+ -

عن أبي سعيد الخدري رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«لَا ضَرَرَ وَلَا ضِرَارَ، مَنْ ضَارَّ ضَرَّهُ اللَّهُ، وَمَنْ شَاقَّ شَقَّ اللَّهُ عَلَيْهِ».

[صحيح بشواهده] - [رواه الدارقطني]
المزيــد ...

Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey inuu yiri:
"dhib majiro is dhibidna majirto, qofka dadka dhiba Ilahay ayaa dhiba, qofka dadka ku adkeeyana Ilaahay ayaa ku adkeeyo ".

Xadiis Saxiix ah. - Waxaa wariyay Ibnu Maajah.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey inay waajib tahay in qofku ka joojiyo naftiisa iyo dadka kaleba dhibka nooca uu yahayba iyo qaab uu yahayba qofna uma banaana inuu dhibo naftiisa iyo naf qayrki si siman.
Qofna uma banaana inuu dhib ka hor geeyo dhib kale waayo dhib laguma joojiyo dhib kale, inay qisaas aan lagu xadgud bayn tahay mooyee.
Ka dib Nabigu scw wuxuu cadeeyey in loogu goodiyey qofka dadka dhiba in la dhibidoono, oo qofka dadka ku adkeeya lagu adkayndoono.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la reebay in qofku xadka ka baxo oo wixii loo gaystay wax ka badan uu gaysto.
  2. Ilaahay ma amrin adoomadiisa wax dhibaaya.
  3. Waa la xarimay dhibka iyo in la isku dhibaateeyo hadal, ficil ama ka tagidba.
  4. Abaal marintu waa nooca camal ku yahay, qofkii dhib gaysta Ilaahay ayaa dhiba, qofkii ku adkeeyana Ilaahay ayaa ku adkeeya.
  5. Qaacidooyinka shareecada waxaa ka mida: " dhib waa la joojiyaa ", shareecadu ma ogola dhib, wayna diidaysaa is dhibaatayta.