+ -

عَنْ عَائِشَةَ رضي الله عنها قَالَتْ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ أَحْدَثَ فِي أَمْرِنَا هَذَا مَا لَيْسَ فِيهِ فَهُوَ رَدٌّ» متفق عليه. ولمسلم: «مَنْ عَمِلَ عَمَلًا لَيْسَ عَلَيْهِ أَمْرُنَا فَهُوَ رَدٌّ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 2697]
المزيــد ...

Caa'isha -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri:
"Qofka la yimaada wax aan diinteena ka mid ahayn waa lagu celinayaa. waa mutafaq. muslimna wuxuu leeyahay: "Qofka sameeya camal aan diinteena ku jirin waa lagu celinayaa".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 2697]

Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey in qofka ku soo dara diinta wax aan ku jirin, ama sameeya camal aan lahayn daliil kitaabka iyo sunada ah waa lagu celinayaa Ilaahayna ma aqbalaayo.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Cibaadadu waxay ku dhisantahay wixii ku soo arooray Qur'aanka iyo sunada Nabiga, Ilaahay ku caabudimayno wixii uu jideeyey mooyee oo bidco iyo wax gadaal laga keenay ku caabudimayno.
  2. Diintu maaha Ra'ayi iyo sida qofku jecel yahay, balse waa raacid rasuulka la raaco -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee.
  3. Xadiiskani wuxuu daliil u yahay diinta kaamilnimadeeda.
  4. Bidcadu waa wax kasta oo diinta lagu soo daro ee aan jirin waqtigii Nabiga scw iyo asaxaabtiisa ee ah caqiido ama hadal ama camal.
  5. Xadiiskani wa asal ka mida usuusha Islaamka camalkana wuxuu u yahay sida miisaanka, sida camal walba ee aan loola jeedin Ilaahay darti uusan qofku ajar uga helayn ayaa camal walba ee aan waafaqsanayn wixii Nabiga scw uu la yimid ayaa lagu celinayaa qofkii sameeyey.
  6. Waa la diiday wixii gadaal laga keenay ee ku saabsan arimaha diinta ee aan aduunyo ahayn.