عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«إِنَّمَا الْأَعْمَالُ بِالنِّيَّةِ، وَإِنَّمَا لِامْرِئٍ مَا نَوَى، فَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ إِلَى اللهِ وَرَسُولِهِ، فَهِجْرَتُهُ إِلَى اللهِ وَرَسُولِهِ، وَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ لِدُنْيَا يُصِيبُهَا أَوِ امْرَأَةٍ يَتَزَوَّجُهَا، فَهِجْرَتُهُ إِلَى مَا هَاجَرَ إِلَيْهِ».
وفي لفظ للبخاري: «إِنَّمَا الْأَعْمَالُ بِالنِّيَّاتِ، وَإِنَّمَا لِكُلِّ امْرِئٍ مَا نَوَى».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 1907]
المزيــد ...
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Camalku wuxuu ku ansaxayaa niyada, qof walbana wuxuu niyoodo ayuu leeyahay, qofka u soo Hijrooday Ilaahay iyo Rasuulki dartood, Hijradiisu Ilaahay iyo Rasuulkiisa dartood ayey ahaatay, qofkase Hijiradiisu ahayd inuu aduunyo helo ama haweeney uu guursado darteed, Hijradiisu waa wuxuu u soo Hijrooday uun ". Ruwaayada Bukhaarina waxay ahad: " acmaashu waa niyada uun, qof kastana wuxuu niyeystay uun buu leeyahay. "
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 1907]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyEe wuxuu cadeeyey in camalka dhamaanti niyada loo eegayo, xugunkaasina waa dhamaan camal walba sida cibaadada iyo mucaamalaadka oo dhan, qofka camalkiisa u niyeysta inuu nafac helo, ma helaayo wax aan nafacaas ahayn mana helaayo ajar, qofkiise niyeysta inuu Ilaahay ugu dhawaado camalkiisa wuxuu ka helyaa sawaab iyo ajar hadii xataa uu yahay camal caadi ah sida cunida iyo cabida.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allah siiyee, tusaale ayuu u soo qaatay si uu u cadeeyo saamaynta ay niyadu ku leedahay camalka, iyadoo acmaashu siman tahay muuqaalkooda guud, Nabigu wuxuu cadeeyey qofka u niyeysta Hijradiisa ee dalkiisa uga safra Ilaahay raali galinti, Hijradiisu waa mid sharci ah oo Ilaahay aqbalayo, kana ajar siinayo niyadiisoo runa awgeed, qofka Hijradiisa u niyeysta inuu nafac aduun helo sida xoolo, jago, ganacsi iyo dumar uu guursado Hijradiisa ka ma helaayo nafacaa uu niyeystay mooyee mana helaayo ajar iyo sawaab.