عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«لَيْسَ شَيْءٌ أَكْرَمَ عَلَى اللهِ تَعَالَى مِنَ الدُّعَاءِ».

[حسن] - [رواه الترمذي وابن ماجه وأحمد] - [سنن الترمذي: 3370]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri:
"Majiro Shay Ilaahay kaga qiimo badan ducada."

[Xadiis Xasan ah] - [Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo Axmed] - [Sunan At-tirmidi - 3370]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inaanu jirin Shay cibaadada ka mid ah ee Ilaahay agtiisa ka fadli badan ducada, waayo waxaa ku jira ducada in la citiraafo Ilaahay inuu qani yahay Isagaa nusqaan ka hufane, waxa kaloo ku jira ducada in la citiraafo in Adoonku tabar yar yahay oo uu Ilaahay u baahan yahay.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Fadliga ducada iyo in Qofka Ilaahay barya uu wayneeyey, ee uu qiray inuu qani yahay isagaa xumaan ka hufane waayo faqiir lama baryo, wuxuu qiray inuu Samiic yahay waayo Dhagool lama baryo, Kariimna yahay waayo Bakhiil lama baryo oo uu Raxiim yahay waayo Qabiid lama baryo, Qaadirna yahay waayo Daciif lama baryo oo uu dhaw yahay waayo mid fog kuma maqlayo iyo Sifaadka kale ee Ilaahay Waynaantiisa iyo Quruxdiisa ku Saabsan isagaa xumaan ka nasahane.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (67)