عن أبي هريرة رضي الله عنه عن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«مَا نَقَصَتْ صَدَقَةٌ مِنْ مَالٍ، وَمَا زَادَ اللهُ عَبْدًا بِعَفْوٍ إِلَّا عِزًّا، وَمَا تَوَاضَعَ أَحَدٌ لِلهِ إِلَّا رَفَعَهُ اللهُ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2588]
المزيــد ...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Sadaqo maal ma yareyso, Adoon wax cafiyeyna Ilaahay uma siyaadiyo cisi mooyee, qofkii Ilaahay darti u tawaaducana Ilaahay ayaa kor u qaada.
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2588]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in sadaqdu aysan Maalka yarayn, balse ay ka difaacado Aafada, Ilaahayna wuxuu ugu badalaa kan Sadaqada bixiya khayr wayn, waxayna noqotaa mid badisa ee aan yarayn.
Qofka dadka iska cafiya isagoo awooda inuu ka aarsado ama uu u qabsado Qofkii, Ilaahay wuxuu ugu bedelaa awood iyo cisi.
Qofka Ilaahay darti u tawaaduca oo isu bihinbihiya, isagoon Qofna ka cabsanayn ama iska jeedinayn ama aan nafac kaga doonayn, llaahay wuxuu abaal uga dhigaa inuu sarayn iyo sharaf siiyo.