عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«قَالَ اللهُ: أَنْفِقْ يَا ابْنَ آدَمَ أُنْفِقْ عَلَيْكَ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 5352]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Ilaahay wuxuu yiri: Ibni Aadanow wax bixi aan wax ku siiyee."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 5352]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay isagaa koreeyee uu yiri: Ibni Aadanow bixi Sadaqada waajibka ah iyo tan Sunada ahba, waan idiin waasicin oo badal idinsiine idiina barakayne.-

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la isku booriyey Sadaqada iyo in jidka Ilaahay wax lagu bixiyo
  2. Ku bixinta Maalka meelaha khayrka ahi waxay ka mid tahay asbaabta ugu waawayn ee Ilaahay ku barakeeyo risiqa kuna labanlaabo iyo in wixii uu bixiyey Adoonku Ilaahay badalkeeda siiyo.
  3. Xadiiskani wuxuu ka mid yahay Axaadiista uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ilaahay ka wariyey, waxaana lagu magacaabaa Xadiis Alqudsi ama Xadiis Al-Ilaahi, waana Xadiis ereyadiisa iyo macnahooduba xaga Ilaahay ka yimaadeen, Qur'aankana la mid maaha oo laguma caabudo Ilaahay akhrintiisa, looma dahaaro qaato, taxadiga iyo icjaaska Qur'aanku leeyahayna malaha xadiisul-qudsigu.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (63)