عن أبي مسعود رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«إِذَا أَنْفَقَ الرَّجُلُ عَلَى أَهْلِهِ يَحْتَسِبُهَا فَهُوَ لَهُ صَدَقَةٌ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 55]
المزيــد ...
Abii Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Markuu ninku masruufo Reerkiisa isagoo Ilaahay ajar kaga dalbaaya, Sadaqo ayey u noqonaysaa".
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 55]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in markuu ninku siiyo Reerkiisa biilo kaasoo ay ku waajibtay nafaqadoodu, sida Xaaskiisa, labadiisa waalid, Caruurtiisa iyo qayrkoodba, isagoo Ilaahay ugu dhawaanaya wax bixintaa ajarna kaga raba Ilaahay wuxuu helayaa ajarka Sadaqada oo kale.