عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المُؤْمِنينَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا أَنَّهَا قَالَتْ:
مَا خُيِّرَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بَيْنَ أَمْرَيْنِ إِلَّا أَخَذَ أَيْسَرَهُمَا، مَا لَمْ يَكُنْ إِثْمًا، فَإِنْ كَانَ إِثْمًا كَانَ أَبْعَدَ النَّاسِ مِنْهُ، وَمَا انْتَقَمَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لِنَفْسِهِ إِلَّا أَنْ تُنْتَهَكَ حُرْمَةُ اللَّهِ، فَيَنْتَقِمَ لِلَّهِ بِهَا.
المزيد
Caa`isha oo hooyadii Muminiinta ahayd Ilaahay raalli ha noqdee waxaa laga wariyey inay tiri:
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee hadii la kala dooransiiyo labo arimood wuxuu qaadan jirey kan fudud, hadii uusan danbi ahayn, hadiise uu danbi yahay wuxuu ahaan jirey kan danbiga ugu fog dadka, Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, naftiisa uma aarsan jirin ilaa wixii Ilaahay xarimay la jabiyo, oo markaa Ilaahay uga aaro.