عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا:
أَنَّ رَجُلًا سَأَلَ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: أَيُّ الإِسْلاَمِ خَيْرٌ؟ قَالَ: «تُطْعِمُ الطَّعَامَ، وَتَقْرَأُ السَّلاَمَ عَلَى مَنْ عَرَفْتَ وَمَنْ لَمْ تَعْرِفْ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 12]
المزيــد ...
Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye- waxaa laga wariyey:
Inuu nin weydiiyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Islaamka maxaa ugu khayr badan? wuxuu ugu jawaabay: "dadka oo aad cunto siiso iyo inaad salaanto َofka aad taqaan iyo kan aadan aqoonba."
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 12]
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa la weydiiyey, Sifooyinka Islaamka kuwee ugu fadli badan? wuxuu sheegay labo sifo:
Mida 1aad: in la badiyo quudinta Fuqarada, waxaana soo galaya Sadaqa, Hadiyada, Soorida, Casumida, waxayna sii fadli badan tahay quudintu waqtiyada ay jiraan Abaaraha iyo sicir bararku.
mida 2aad: waa inaad Salaanto Qof walba oo Muslim ah kii aad taqaan iyo kii aadan aqoonba.