عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما قال:
لَمْ يَكُنِ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَاحِشًا وَلَا مُتَفَحِّشًا، وَكَانَ يَقُولُ: «إِنَّ مِنْ خِيَارِكُمْ أَحْسَنَكُمْ أَخْلَاقًا».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 3559]
المزيــد ...
Cabdullaahi Binu Camar Allah ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ma ahayn mid af xun oo ma xishoode ah, wuxuuna dhihi jiray: " waxaa idiinku ikhyaarsan kuwa idiinku akhlaaq fiican."
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 3559]
Kama mid ahayn Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee akhlaaqdiisa hadalka xun iyo ficilka xuni, mana ahayn mid u qasda xumaanta ama ula kac u sameeya xumaan, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid akhlaaq wayn leh.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jiray kan Ilaahay xagiisa idiinku fadliga badan waa kan idiinku akhlaaq wanaagsan, sida wanaag bixinta waji furnaanta, dhib la'aanta, u dul qaadashada dadka, iyo dad la dhaqanka wanaagsan.