عن عائشة رضي الله عنها قالت: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:
«إنَّ المُؤْمِنَ ليُدرِكُ بِحُسْنِ خُلُقِهِ دَرَجَةَ الصَّائِمِ القَائِمِ».

[صحيح بشواهده] - [رواه أبو داود وأحمد] - [سنن أبي داود: 4798]
المزيــد ...

Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inay tiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri:
"Qofka Muuminku wuxuu ku gaaraa akhlaaq wanaagiisa darajada qofka Sooman ee Salaad u taagan".

[Xadiis Saxiix ah, marka la eego u Marag kaca kale ee soo arooray] - [Waxaa Wariyay Abuu Daa'uud iyo Axmed] - [Sunan Abii Daa'uud - 4798]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in akhlaaq wanaagu ay Qofka gaarsiiso darajada Qofka si joogto ah Maalintii u Sooma Habeenkiina Salaad u taagan, akhlaaq wanaaga waxaa lagu soo ururiyey: Gacan furnaanta, hadal wanaaga, waji furnaanta, joojinta dhibka iyo dadka oo uu u dulqaato.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Diinta Islaamku si wayn ayey u ilaalisay in la carbiyo akhlaaqda iyo kaamil nimadeeda.
  2. Fadliga akhlaaq wanaaga Adoonku wuxuu ku gaaraa daraja Qofka Sooman ee aan afurayn iyo kan Salaad u taagan ee aan daalayn.
  3. Soonka Maalinta iyo Salaatul-laylku waa labo camal oo waawayn naftana ku adag, darajadooduna gaarayso mida uu helo Qofka akhlaaqda wanaagsan, waayo wuxuu ku dadaalay in naftiisu dhaqan wanaagsan yeelato.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (63)