عن أنس بن مالك رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«إِنَّ اللهَ لَيَرْضَى عَنِ الْعَبْدِ أَنْ يَأْكُلَ الْأَكْلَةَ فَيَحْمَدَهُ عَلَيْهَا، أَوْ يَشْرَبَ الشَّرْبَةَ فَيَحْمَدَهُ عَلَيْهَا».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2734]
المزيــد ...
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Ilaahay wuu kaga raali noqdaa Qofka markuu wax cuno oo Ilaahay ku mahadiyo iyo markuu wax cabo oo uu Ilaahay ku mahadiyo".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2734]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in marka Adoonku Ilaahay fadligiisa iyo nicmadiisa uu ku mahadiyo ay ka mid tahay arimaha lagu gaaro Ilaahay raali ahaantiisa, markuu cuntada cuno wuxuu oran: Alxamdu lilaah, haduu cabana wuxuu oran: Alxamdu lilaah.