عن عائشة رضي الله عنها زوج النبي صلى الله عليه وسلم عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«إِنَّ الرِّفْقَ لَا يَكُونُ فِي شَيْءٍ إِلَّا زَانَهُ، وَلَا يُنْزَعُ مِنْ شَيْءٍ إِلَّا شَانَهُ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2594]
المزيــد ...

Waxaa laga wariyey Caa'isha oo ahayd xaaskii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri:
"Jileecu shayga uu galo wuu wanaajiyaa, shaygii laga siibana wuu xumaadaa".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2594]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in jileeca iyo dabacsanaata xaga hadalka iyo ficilkuba ay u siyaadiso qurux arimaha, kamaal, iyo wanaag waxayna u dhawdahay in Qofka sidaa suubiya uu dantiisa gaaro.
Dabacsaan la`aantu arimaha way ceebaysaa oo xumaysaa waxayna u diidaa Qofka sameeya inuusan dantiisa gaarin ama uu ku gaaro dhib.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la isku boorinayaa ku dhaqanka akhlaaqda dabacsan.
  2. Dabacsaantu Qofka way qurxisaa, waxayna sabab u tahay khayr kasta oo arimaha Diinta ama aduunyada ah.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (63)