عن جُندب بن عبد الله القَسْرِِي رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ صَلَّى صَلَاةَ الصُّبْحِ فَهُوَ فِي ذِمَّةِ اللهِ، فَلَا يَطْلُبَنَّكُمُ اللهُ مِنْ ذِمَّتِهِ بِشَيْءٍ، فَإِنَّهُ مَنْ يَطْلُبْهُ مِنْ ذِمَّتِهِ بِشَيْءٍ يُدْرِكْهُ، ثُمَّ يَكُبَّهُ عَلَى وَجْهِهِ فِي نَارِ جَهَنَّمَ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 657]
المزيــد ...
Jundub Binu Cabdulaahi Alqusari Allaha ka raali ahaadee waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Qofka tukada Salaada Subaxa Ilaahay magantiisuu ku jiraa, ee yaanu Ilaahay idinka dalbin shay ka mida magantiisa, waayo Qofkii Ilaahay magantiisa shay ka mida uu ka dalbo wuu qabanayaa, ka dibna wuxuu wajiga ugu tuurayaa Naarta Jahanama.
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 657]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka tukada Salaada Subxa inuu ku jiro Ilaahay xifdigiisa, ilaalintiisa, waardiyihiisa, difaacidiisa iyo u gargaaridiisa.
Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in la jabiyo oo laga boxo balankaa, taasoo ah in Qofku ka tago Salaada Subaxa, ama Qof tukaday Salaadii Subax uu dhib u gaysto, Qofkii sidaa sameeya wuxuu buriyey balantii, wuxuuna mutaystay goodiga adag, iyado Ilaahay ku ciqaabidoono danbiga uu ku dhacay, Qofkii Ilaahay ka dalbo magantiisa wuu qabanayaa ka dibna wuxuu wajiga ugu tuurayaa Naarta.