+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«مَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاللهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيَقُلْ خَيْرًا أَوْ لِيَصْمُتْ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاللهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيُكْرِمْ جَارَهُ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاللهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيُكْرِمْ ضَيْفَهُ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali Ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka scw inuu yiri:
"Qofka Ilaahay iyo maalinta qiyaamaha rumaysan khayr ha ku hadlo ama ha iska aamuso, qofka rumaysan Ilaahay iyo maalinta qiyaamaha jaarkiisa ha maamuuso, qofka Ilaahay iyo maalinta qiyaame rumaysan ha maamuuso martidiisa."

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in adoonka mu'uminka ee rumaysan Ilaahay iyo maalinta qiyaamaha ee loo celinaayo ee abaal marita camalkiisu ay jirto, in imaankiisu ku dhiiri geliyo inuu sifooyinkaa wanaagsan sameeyo:
Tan koobaad: hadalka wanaagsan: ee ah tasbiixda, tahliilka, wanaag farida, xumo reebida, islaaxinta dadka dhexdooda, intaa haduunu samayn karin ha iska aamuso dadkana dhibkiisa ha daayo, carabkiisana ha xafido.
Tan labaad: maamuuska dariska: oo ah in loo ixsaan falo oo aan la dhibin.
Tan sadexaad: maamuuska martida ku soo siyaarata: oo ah hadal wanaagsan, sooryeyn wanaagsan, iyo wixii la mid ah.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Rumaynta Ilaahay iyo maalinta qiyaamahu waxay sal dhig u tahay khayr oo dhan, waxayna farayaan qofka inuu khayr sameeyo.
  2. Waxaa laga digayaa aafada carabka .
  3. Diinta islaamku waa diin isku duubnaan iyo karam ah.
  4. Sifooyinkaa waxay ka mid yihiin qaybha Iimaanka iyo aadaabta fiican.
  5. Hadalka badani waxaa dhici karta inuu qofka u soo jiido shay karaahiyo ah ama xaaraan ah, nabad galyadu waxay ku jirtaa inuusan ku hadlin waxaan khayr ahayn.