عن جرير بن عبد الله رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ لَا يَرْحَمِ النَّاسَ لَا يَرْحَمْهُ اللهُ عَزَّ وَجَلَّ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 2319]
المزيــد ...

Jariir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Qofka aan dadka u naxariisan isagana Ilaahay uma naxariisto."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 2319]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Qofka aan u naxariisan dadka in Ilaahay casa wajala isna uma naxariisto, Qofku inuu u naxariisto khalqiga waa asbaabta ugu weyn ee lagu gaaro naxariista Ilaahay.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Naxariista waa u baahan yihiin khalqiga oo dhan, waxaase dadka si gaara loogu xusay ahmiyada la siiyey awgeed.
  2. Ilaahay waa Raxiim, Adoomadiisa naxariistana wuu u naxariistaa, abaal marintu waa nooca camalka.
  3. Naxariista loo naxariisanayo dadka waxaa ka mida in khayrka la gaarsiiyo iyo in dhibka laga daayo oo lagula dhaqmo wanaag.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (67)