عَنْ مَعْدَانَ بْنِ أَبِي طَلْحَةَ الْيَعْمَرِيُّ قَالَ:
لَقِيتُ ثَوْبَانَ مَوْلَى رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَقُلْتُ: أَخْبِرْنِي بِعَمَلٍ أَعْمَلُهُ يُدْخِلُنِي اللهُ بِهِ الْجَنَّةَ؟ أَوْ قَالَ قُلْتُ: بِأَحَبِّ الْأَعْمَالِ إِلَى اللهِ، فَسَكَتَ. ثُمَّ سَأَلْتُهُ فَسَكَتَ. ثُمَّ سَأَلْتُهُ الثَّالِثَةَ فَقَالَ: سَأَلْتُ عَنْ ذَلِكَ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَقَالَ: «عَلَيْكَ بِكَثْرَةِ السُّجُودِ لِلَّهِ، فَإِنَّكَ لَا تَسْجُدُ لِلَّهِ سَجْدَةً، إِلَّا رَفَعَكَ اللهُ بِهَا دَرَجَةً، وَحَطَّ عَنْكَ بِهَا خَطِيئَةً» قَالَ مَعْدَانُ: ثُمَّ لَقِيتُ أَبَا الدَّرْدَاءِ فَسَأَلْتُهُ فَقَالَ لِي: مِثْلَ مَا قَالَ لِي: ثَوْبَانُ.

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 488]
المزيــد ...

Macdaan Binu Abii Dalxa Alyacmari -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri:
Waxaan la kulmay Thowbaan oo ah mawlihii (adeegihii) Rasuulka (kii Nabigu xoreeyey), waxaan ku iri: ii sheeg camal aan falo oo Ilaahay janada igu geliyo? ama wuxuu yiri: waxaan ku iri: camalka Ilaahay ugu jecel yahay, wuu aamusay. hadana waan weydiiyey wuu aamusay. mar saddexaad baan weydiiyey wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan weydiiyey su'aashaa, wuxuuna yiri: "Ilaahay darti sujuuda u badi, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin dambina wuu kaaga dhaafin" wuxuu yiri Macdaan: hadana waxaan la kulmay Abu dardaa waxaana weydiyey -su'aashaas- wuxuuna igu yiri: sidii Thowbaan ii sheegay oo kale.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 488]

Sharraxa

Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ayaa la weydiiyey camal sabab u noqonaya galitaanka janada, ama camalka Ilaahay ugu jecel yahay?
Wuxuu ku yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ninkii su'aasha weydiiyey: joogtee inaad badsato sujuuda salaada dhexdeeda, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin, dambina wuu kaaga dhaafin.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Qofka muslimka waxaa lagu boorinayaa inuu ku dadaalo salaada faral iyo sunaba, sujuuda ku jirta awgeed.
  2. Xadiiska waxaa ku cad fahamka asaxaabta iyo inay cilmi u lahaayeen inaan janada lagu helayn -naxariista Ilaahay ka dib- hadii aan la camal falan.
  3. Sujuudu waa asbaabta ugu wayn ee darajada kor loogu qaado, dambiyadana lagu dhaafo.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (55)