+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«كُلُّ أُمَّتِي مُعَافًى إِلَّا المُجَاهِرِينَ، وَإِنَّ مِنَ المُجَاهَرَةِ أَنْ يَعْمَلَ الرَّجُلُ بِاللَّيْلِ عَمَلًا، ثُمَّ يُصْبِحَ وَقَدْ سَتَرَهُ اللَّهُ عَلَيْهِ، فَيَقُولَ: يَا فُلاَنُ، عَمِلْتُ البَارِحَةَ كَذَا وَكَذَا، وَقَدْ بَاتَ يَسْتُرُهُ رَبُّهُ، وَيُصْبِحُ يَكْشِفُ سِتْرَ اللَّهِ عَنْهُ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Abii Hureyra -Allaha karaali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- yaan ka maqlay isagoo dhahaya:
"Ummaddayda dhamanteed waa laga cafin dambiyada kuwa xumaanta muujista maahee, qofku inuu danbi muujisto waxaa ka mida in ninku habeenkii danbi sameeyo oo waagu u baryo isagoo Ilaahay asturay markaasuu oron waar hebelow shalay waxaan suubiyey caykaas iyo caankaas xalayna wuxuu baryey isagoo Rabigi asturay, wuxuuna waa bariistay isagoo asturkii Ilaahay iska faydaya.

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu cadeeyey qofka muslimka ah, ee dambaaba waxaa loo rajaynayaa cafinta Ilaahay iyo dambi dhaafkiisa, marka laga reebo midka cadaysta macsida oo ku faanaya si xishood la`aana, kaasi ma mudna in la cafiyo, isagoo habeenkii macsida suubiyey ayaa waagu u baryaa isagoo Ilaahay asturay, isagaase cid kale uga sheekeeya inuu macsi sameeyey shalay, ilaahay ayaa habeenkii asturay, subuxiina isagaa iska qaaday asturkii Ilaahay!!

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku cad xumaanta ay leedahay macsida oo la muujisto markuu Ilaahay asturay ka dib.
  2. Macsida oo la cadaysto waxaa ku sugan faaxishada oo ku faafta Muminiinta dhexdooda.
  3. Qofka Ilaahay aduunka ku asturay aakhirana wuu ku asturayaa, taasina waa naxariista Ilaahay ee balaaran ee uu adoomadiisa siiyey.
  4. Qofka lagu ibtileeyo macsi waa inuu naftiisa asturo, Ilaahayna u towbo keeno.
  5. Dambi wayn bay leeyihiin kuwa muujista macsida ee u qasda inay macsida cadaystaan, waxay is dhaafinayaan dambi dhaafka Ilaahay.