عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«لَيْسَ الْوَاصِلُ بِالْمُكَافِئِ، وَلَكِنِ الْوَاصِلُ الَّذِي إِذَا قُطِعَتْ رَحِمُهُ وَصَلَهَا».
[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 5991]
المزيــد ...
Cabdulaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Maaha Qofka Qaraabada xiriiriya midka marka la xiriiriyo uun Qaraabada xiriiriya, laakiin kan Qaraabada xiriiriyaa waa midka marka Qaraabadiisu goyso xiriiriya".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 5991]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay: In Qofka buuxiyey xiriirinta Qaraabada oo wanaajiyaa maahan Qofka ixsaanka ku bixiya ixsaan. Balse kan dhab ahaan u xiriiriya ee si buuxda Qaraabada u xiriiriya waa kan hadii Qaraabadu goyso xiriiriya, hadii ay xumeeyaana u ixsaan fala.