عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ:
كَانَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَسِيرُ فِي طَرِيقِ مَكَّةَ، فَمَرَّ عَلَى جَبَلٍ يُقَالُ لَهُ جُمْدَانُ، فَقَالَ: «سِيرُوا هَذَا جُمْدَانُ، سَبَقَ الْمُفَرِّدُونَ» قَالُوا: وَمَا الْمُفَرِّدُونَ يَا رَسُولَ اللهِ؟ قَالَ: «الذَّاكِرُونَ اللهَ كَثِيرًا وَالذَّاكِرَاتُ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2676]
المزيــد ...

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri:
Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa marayey dariiqa makka, wuxuu maray buur la dhoho Jumdaan, wuxuu yiri: "socda kani waa jumdaane, sabaqal mufariduun way hor mareen kuwa Ilaahay xusa" waxay dheheen: mufaridiintu waa maxay Rasuulka Ilaahayow? wuxuu yiri: "waa raga iyo dumarka xuska Ilaahay badiya".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2676]

Sharraxa

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey mansilada ay joogaan kuwa Ilaahay xuskiisa badiya, taasoo ah inay kaligood noqdeen oo qayrkood kaga hormareen darajooyin sare oo janada ah, wuxuuna ku shabahay buurta jumdaan ee ka duwan buuraha kale.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Waxaa sune ah in la badiyo laguna mashquulo xuska Ilaahay, waayo tartanka aakhiro waa sida loo kala cibaado badan yahay, iyo in cibaadada Ilaahay loo khaalis yeelo.
  2. Ilaahay waxaa lagu xusaa carabka oo keliya, ama qalbiga oo keliya, ama carabka iyo qalbiga oo wada socda, waana darajada ugu saraysa.
  3. Xuska Ilaahay waxaa ka mid ah adkaar cibaado kale ku xiran, sida adkaarta subixii iyo galabtii, iyo adkaarta ka dambaysa salaadaha faralka ah iyo qayrkoodba.
  4. Imaam Nawawi wuxuu yiri: ogow fadliga adkaartu kuma koobna tasbiixda, taxmiida (alxamdu lilaah), takbiirta (Allaahu akbar) iyo wixii la mida, balse qofkasta oo Ilaahay darti cibaado u sameeya Ilaahay ayuu xusay.
  5. Ilaahay oo la xuso waa asbaabta ugu weyn ee sugnaanta qalbiga lagu helo, Ilaahay wuxuu yiri: {kuwa Ilaahay rumeeyow, hadii aad qolo la diridhaan sugnaada, oo in badan, Ilaahay xusa waxaad mudan tihiin inaad guulaysataane.} [ Anfal:45]
  6. Meesha ay isaga egyihiin kuwa Ilaahay xusa iyo Buurta Jumdaan waa kelinimada iyo gaar ahaanta, oo Buurta Jumdaan Buuraha gaar ayey ka tahay, waana sidaas kuwa Ilaahay sareeye xusaa, Qofka gaarka ahi waa Qofka Qalbigiisa iyo Carabkiisu gaar la yihiin xuska Rabbigi haddii xataa uu dad ku dhex jiro, oo weheshada Xuska Rabbigi waqtiguu keligi yahay, kana qaloonaya hadduu dad badan dhex galo, waxaa kaloo dhici karta inay tahay meesha ay isaga egyihiin in Xusku sabab u yahay in Diinta lagu sugnaado sida Buurtuna sabab ugu tahay in Dhulku sugnaado, ama ay noqoto meesha ay isa egyihiin khayrka oo loo degdego Adduun iyo Aakhiroba, waayo Qofka ka soo Safra Madiina ee Makkah u socda hadduu soo gaaro Buurta Jumdaan waxay calaamad u ahayd inuu soo gaaray Makkah Qofkii soo gaarana waa mid soo degdegey, Qofka Ilaahay xusayana waa mid kaga soo hor maray dadkii kale xuska Ilaahay sareeye, Ilaahay ayaana og.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (55)