+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«رَغِمَ أَنْفُ، ثُمَّ رَغِمَ أَنْفُ، ثُمَّ رَغِمَ أَنْفُ»، قِيلَ: مَنْ؟ يَا رَسُولَ اللهِ قَالَ: «مَنْ أَدْرَكَ أَبَوَيْهِ عِنْدَ الْكِبَرِ، أَحَدَهُمَا أَوْ كِلَيْهِمَا فَلَمْ يَدْخُلِ الْجَنَّةَ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2551]
المزيــد ...

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Rasuulka ka wariyey -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri:
"Sankiisu ha booroobo (haddulloobo), sankiisu ha booroobo, sankiisu ha booroobo", waxaa lagu yiri: waa kee? Rasuulkii Ilaahayow wuxuu yiri: "waa qofka soo gaara labadiisa waalid iyagoo gaboobay, midkood ama labadaba ee aan janada galin".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2551]

Sharraxaad

Wuxuu ku habaaray Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -duli iyo ceeb heer uu sankiisa ciida galiyo-saddex jeer buu ku cel-celiyey- markaasaa la waydiiyey: waa kee kan aad habaartay Rasuulkii Ilaahayow?
Nabigu wuxuu yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-: waa qofka soo gaara labadiisa waalid oo gaboobay-midkood ama labadoodaba- ee ay sabab ugu noqon waayaan inuu janada galo, sababtoo ah uma uu ixsaan falin waana ku caasiyoobay.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Luqadda roomaaniya Oromo
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa waajib in baari loo noqdo labada waalid, waxayna ka mid tahay asbaabta janada lagu galo, gaar ahaan markay gaboobaan ama ay taag daran yihiin.
  2. Waalidka in lagu caasiyo waxay ka mid tahay dambiyada waaweyn.