عَنْ عَبْدِ اللهِ بنِ مَسْعُودٍ رضي الله عنه قال:
قَالَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم كَلِمَةً وَقُلْتُ أُخْرَى، قَالَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم: «مَنْ مَاتَ وَهُوَ يَدْعُو مِنْ دُونِ اللهِ نِدًّا دَخَلَ النَّارَ» وَقُلْتُ أَنَا: مَنْ مَاتَ وَهُوَ لَا يَدْعُو لِلهِ نِدًّا دَخَلَ الْجَنَّةَ.
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 4497]
المزيــد ...
Cabdullaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: kalimad ana mid ayaan iri, Nabigaa yiri nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: " qofka dhinta isagoo baryaya cid aan Ilaahay ahayn Naartuu gelayaa," ana waxaan iri: qofka dhinta isagoon baryeyn cid aan Ilaahay ahayn Janaduu gelayaa.
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 4497]
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu inoo sheegay in Qofkii u leexiya Cibaado Ilaahay leeyahay cid isaga qayrki ah, sida baryada Ilaahay qayrki la baryo, ama cidaan Ilaahay ahayn oo loo qayshado, ee sidaa ku dhinto Naarta ayuu gelayaa. Ibnu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ku siyaadiyey qofka dhinta isagoon Ilaahay cidna ugu shariig yeelin, kaasi wuxuu ku dambaynayaa Janada.