عن أنس رضي الله عنه قال:
كُنَّا عِنْدَ عُمَرَ فَقَالَ: «نُهِينَا عَنِ التَّكَلُّفِ».

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 7293]
المزيــد ...

Anas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Waxaan la joognay Cumar, wuxuuna yiri: (waa naloo diiday kalifaada ).

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 7293]

Sharraxa

Cumar Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay in Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u diiday dadka in la caadaysto wax dhib maahee aan dheef laheyn, hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Waxaa ka mid ah isku cuslaynta la reebey: su'aalaha badan, isku kalifida waxaan cilmi loo laheyn, ama adkaynta wax Ilaahay fudaydiyey.
  2. Waxaa qofka Muslimka ah la gudboon inuu Naftiisa baro saamixida, wax fudaydinta iyo isku ad-adkeyn la'aanta hadalka iyo camalkaba, cuntadiisa, cabitaankiisa, iyo dhamaan arimihiisa kale.
  3. Diinta islaamku waa Diin fudud.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (63)