+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«لَا تَصْحَبُ الْمَلَائِكَةُ رُفْقَةً فِيهَا كَلْبٌ وَلَا جَرَسٌ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Abii Hureyra -Allaha karraalli ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -inuu yiri:
" Malaa'igtu ma raacdo safar wata Ey iyo gambaleel."

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inayna malaa'igtu raacayn safar wata Ey iyo ganbaleelka xoolaha lagu xiro ee codeeya marka neefku dhaqaaqo.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. waxaa la reebay in Ey la haysto ama la kaxaysto, waxaase laga soo reebay reebidaas Eyga lagu ugaarsado ama kan ilaaliya.
  2. Malaa'igta diidaysa inay raacdo safarka waa Malaa'igta raxmada u qaybsan, laakiin Malaa'igta xafadada ah kama faaruqaan dadka haday joogaan iyo haday safar yihiinba.
  3. Gambaleelka la iska reebay; waa muusig ka mida muusiga shaydaanka, wuxuuna shabahaa naaquuska nasaaradu garaacdo.
  4. Muslimku waa inuu ku dadaalo inuu ka fogaado wax walba oo ka fogaynaaya Malaa'igta.