+ -

عَنْ عُقْبَةَ بْنِ عَامِرٍ الْجُهَنِيِّ رضي الله عنه:
أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَقْبَلَ إِلَيْهِ رَهْطٌ، فَبَايَعَ تِسْعَةً وَأَمْسَكَ عَنْ وَاحِدٍ، فَقَالُوا: يَا رَسُولَ اللهِ، بَايَعْتَ تِسْعَةً وَتَرَكْتَ هَذَا؟ قَالَ: «إِنَّ عَلَيْهِ تَمِيمَةً»، فَأَدْخَلَ يَدَهُ فَقَطَعَهَا، فَبَايَعَهُ، وَقَالَ: «مَنْ عَلَّقَ تَمِيمَةً فَقَدْ أَشْرَكَ».

[حسن] - [رواه أحمد]
المزيــد ...

Cuqba'a Binu Caamir Aljuhani-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey:
"In Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ay u yimaadeen koox rag ah, wuxuuna la mubaayacooday sagaal nin (islaamnimaduu kula balamay), nin ragaa ka mid ahaana wuu ka joogsaday oo lama mubaayacoon, waxayna ku dheheen: Rasuulka Ilaahayow sagaalna waad la mubaayacootay ninkana waad ka tagtaye maxaa jira? wuxuu yiri: "isagu xirsi ayuu xiran yahay", gacantuu geliyey ninkii oo wuu iska jaray, markaasuu suubanuhu la mubaayacooday, wuxuuna Nabigu yiri: "qofka xirta xirsi Ilaahay ayuu u shariig yeelay."

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Axmed.

Sharaxaad

Rag koox ah ayaa Nabiga u yimid-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- tiradoodu waxay ahayd toban, sagaal iyaga ka mid ah ayuu Nabigu islaamnimada iyo inay isaga raacaan kula mubaayacooday, ninkii tobnaadna wuu ka istaagay, markii la waydiiyey sababta uu uga tegay wuxuu yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: Ninkani wuxuu xiran yahay xirsi, waana wax la xirto ama la gashado sida kuusha iyo wixii la mida si ay u celiso isha iyo wixii dhib ah. Ninkii wuxuu gacantiisa geliyey halkuu kaga xirnaa xirsigu, wuuna gooyey oo iska tuuray, Nabiguna-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markaasuu la balamay, wuxuuna yiri isagoo ka digaya xirsiyada xugunkoodana cadaynaya wuxuu yiri: (Qofkaii xirsi xirta shirki ayuu sameeyey ).

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Qofkii cuskada cidaan Ilaahay ahayn Ilaahay wuxuu kula tacaamilaa wuxuu doonaayey lidkeeda.
  2. hadii la rumeeyo in hadii xirsiga la xirto uu sabab u yahay inuu celiyo dhibka iyo isha waa shirki yar, hadiise uu rumeeyo in xirsigu isagu uu nafac leeyahay waa shirki wayn.