+ -

عن ابن عباس رضي الله عنهما
عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِيمَا يَرْوِي عَنْ رَبِّهِ عَزَّ وَجَلَّ قَالَ: قَالَ: «إِنَّ اللهَ كَتَبَ الْحَسَنَاتِ وَالسَّيِّئَاتِ، ثُمَّ بَيَّنَ ذَلِكَ، فَمَنْ هَمَّ بِحَسَنَةٍ فَلَمْ يَعْمَلْهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ عِنْدَهُ حَسَنَةً كَامِلَةً، فَإِنْ هُوَ هَمَّ بِهَا فَعَمِلَهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ عِنْدَهُ عَشْرَ حَسَنَاتٍ إِلَى سَبْعِمِائَةِ ضِعْفٍ، إِلَى أَضْعَافٍ كَثِيرَةٍ، وَمَنْ هَمَّ بِسَيِّئَةٍ فَلَمْ يَعْمَلْهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ عِنْدَهُ حَسَنَةً كَامِلَةً، فَإِنْ هُوَ هَمَّ بِهَا فَعَمِلَهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ سَيِّئَةً وَاحِدَةً».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaade isaga iyo aabihiiye.
Wuxuu ka wariyey Nabiga Ilaahay scw, Nabiguna Ilaahay ka wariyey inuu yiri: wuxuu Nabigu yiri: "Ilaahay wuu qoray xasanaadka iyo dambiyada, ka dibna wuu cadeeyey, qofka ku hamiya inuu sameeyo xasano ee aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa xasano kaamil ah, hadiise uu ku hamiyo xasano oo uu sameeyo Ilaahay wuxuu u qoraa toban xasano ilaa todobol oo laalaab, ilaa laalaabyo badan, qofkii ku hamiya danbi oo aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa xasano kaamil ah, haduu ku hamiyo dambi oo uu sameeyo waxaa loo qoraa hal danbi.

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Rasuulku scw wuxuu sheegay in Ilaahay qodaray xasanaadka iyo dambiyada ka dibna uu u cadeeyey laba malag siday u qoroyaan.
Qofka damca oo goosta oo u qasda inuu xasano sameeyo waxaa loo qoraa hal xasano isago aan samaynba, haduu sameeyo waxaa loo laalaabaa toban laabkeed, ilaa todoba boqol oo laalaab ilaa laalaabyo badan, siyaadaduna waa kolba inta ikhlaas qalbiga ku jirta, iyo wax tarkii uu gudbiyey iwm.
Qofka damca oo u qasda oo goosta inuu dambi sameeyo ka dibna Ilaahay darti u daaya waxaa loo qoraa xasano, haduuse ka mashquulo oo uusan asbaabteed la imaan waxba looma qoro, hadiise uu kari waayo waxaa loo qoraa niyadiisa wixii ku jira. haduu sameeyana waxaa loo qoraa hal dambi.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa cadayn Ilaahay fadligiisa wayn ee uu ummaddaan siiyey isago xasanaatka u laalaabay oo agtiisa ugu qoray, oo uusan u laalaabin dambiyada.
  2. Niyadu ahmiyad ayey ku leedahay camalka iyo saamayn.
  3. Ilaahay fadligiisa casa wajala, dhimrintiisa iyo ixsaankiisa waxaa ka mida in qofkii ku hamiya xasano oo aan samayn in Ilaahay u qoraayo xasano.