عن شداد بن أوس رضي الله عنه قال: ثِنْتَانِ حَفِظْتُهُمَا عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«إِنَّ اللهَ كَتَبَ الْإِحْسَانَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ، فَإِذَا قَتَلْتُمْ فَأَحْسِنُوا الْقِتْلَةَ، وَإِذَا ذَبَحْتُمْ فَأَحْسِنُوا الذَّبْحَ، وَلْيُحِدَّ أَحَدُكُمْ شَفْرَتَهُ، فَلْيُرِحْ ذَبِيحَتَهُ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 1955]
المزيــد ...
Shadaad Binu Aws Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee labo ayaan ka xifdiyey isagoo dhahaya:
"Ilaahay wuxuu faray in shay walba loo ixsaan falo, hadii aad wax dilaysaan dilka wanaajiya, hadii aad gawracaysaan gawraca wanaajiya, Mididana afeeya, oo neefka u raaxeeya.
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 1955]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay nagu waajibiyey inaan shay walba u ixsaan falo,
Ixsaankuna: waa in Ilaahay si joogto inoo ilaalinaayo, oo uu eegaayo caabududiisa, bixinta khayrka, dadka oo dhibka laga daayo, ixsaankaas waxaa soo galaya dilka iyo gawraca.
Ixsaanka qisaastu waa: in loo dooro dariiqa ugu sahlan oo ugu fudud oo ugu dhaqso badan oo Nafta looga goyn karo kan la dilaayo.
ixsaan falka gawracu waa marka la gawracyo: oo waa in loogu naxariisto Neefka in la afeeyo Midida, oo aan hortiisa lagu afayn isagoo eegaya, ama xoolo kale oo u jeeda aan la gawricin.