+ -

عَنْ أَبِي مُوسَى رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«إِنَّ اللهَ عَزَّ وَجَلَّ يَبْسُطُ يَدَهُ بِاللَّيْلِ لِيَتُوبَ مُسِيءُ النَّهَارِ، وَيَبْسُطُ يَدَهُ بِالنَّهَارِ لِيَتُوبَ مُسِيءُ اللَّيْلِ، حَتَّى تَطْلُعَ الشَّمْسُ مِنْ مَغْرِبِهَا».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2759]
المزيــد ...

Abii Muusa Alashcari -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri:
"Ilaahay wuxuu fidiyaa gacantiisa habeenka si uu u tawbo keeno midka maalinta dambaabay, maalintana wuu fidiyaa gacantiisa si uu u towbo keeno midka habeenka dambaabay, ilaa qoraxu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2759]

Sharraxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay in Ilaahay ka tawbo aqbalaayo adoomadiisa, Hadii adoonku maalintii dambaabo oo habeenkii u towbo keeno Ilaahay waa ka aqbalayaa, hadii habeenkii uu dambaabo oo maalintii towbo keeno Ilaahay wuu ka aqbalayaa towbadiisa, Ilaahay wuu fidiyaa gacantiisa Isago ku faraxaaya towbada, oo aqblaaya towbada, albaabka towbaduna wuxuu ahaanayaa mid furan ilaa qoraxdu ka soo baxdo meeshay u dhacdo taaso tusaysa in aduunkii dhamadaay, hadii qorax ka soo baxdo galbeedka albaabkii towbadu waa xirmay.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Luqadda roomaaniya Oromo
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Towbada waa la qabalayaa inta albaabkeedu furan yahay, albaabkeedana waa la xirayaa hadii qoraxdu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo, iyo in qofku towbo keeno inta aanay naftu soo gaarin dhuunta.
  2. Waa inaan la quusan danbi la qalay awgeed, Ilaahay cafintiisa iyo naxariistiisu waa wayn tahay, albaabka towbaduna waa furan yahay.
  3. Shuruuda towbada:
  4. mida 1aad: dambiga oo la joojiyo.
  5. mida 2aad: waa in laga qoomameeyo dambigii.
  6. mida 3aad: waa inuu go'aansado inuusan ku noqon dambigaas waligi, waa haduu yahay xuq Ilaahay, haduuse yahay xaq aadane shuruuda towbada waxaa ku jira inuu xaqa aadanaha gudo oo qofkii uu ka galay u celiyo, ama uu ka cafiyo kii ku lahaa.