عَنْ أَبِي الدَّرْدَاءِ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«أَلاَ أُنَبِّئُكُمْ بِخَيْرِ أَعْمَالِكُمْ، وَأَزْكَاهَا عِنْدَ مَلِيكِكُمْ، وَأَرْفَعِهَا فِي دَرَجَاتِكُمْ وَخَيْرٌ لَكُمْ مِنْ إِنْفَاقِ الذَّهَبِ وَالوَرِقِ، وَخَيْرٌ لَكُمْ مِنْ أَنْ تَلْقَوْا عَدُوَّكُمْ فَتَضْرِبُوا أَعْنَاقَهُمْ وَيَضْرِبُوا أَعْنَاقَكُمْ؟» قَالُوا: بَلَى. قَالَ: «ذِكْرُ اللهِ تَعَالَى».
[صحيح] - [رواه الترمذي وابن ماجه وأحمد] - [سنن الترمذي: 3377]
المزيــد ...
Abii Dar-daa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Ma iidiin sheegaa acmaashiina kuwa ugu fadliga badan, uguna daahirnimada badan xaga Allaha Boqorkiina ah, uguna sare qaadid badan darajooyinkiina oo idiinka khayr badan inaad dahab iyo lacag bixisaan, oo idiinka khayrka badan inaad la kulantaan Cadowgiina aadna Qoorta ka garaacdaan iyaguna ay Qoorta idinka garaacaan?", waxay dheheen: haa Rasuulkii Ilaahayow noo sheeg, wuxuu yiri: "waa dikriga Ilaahay ".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo Axmed] - [Sunan At-tirmidi - 3377]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waydiiyey Asxaabtiisa:
Ma doonaysaan inaan idiin sheego oo idin baro acmaashiina kuwa ugu khayrka badan, uguna sharfta badan, uguna barako badan, oo ugu daahirnimada badan, uguna nadiifsan xaga
Allaha Maaliga ah ee Casa Wajale ah.
DarajaadkiinaJanadana idiin kor yeelid badan.
Ee idiinka khayr badan inaad Sadaqaysaan Dahabka iyo Fidada?
Ee idiinka khayr badan inaad Gaalada Jihaad la gashaan oo aad Qoorta ka garaacdaan, iyaguna Qoorta idinka garaacaan?
Waxay dheheen Asaxaabtu: haa, waan doonaynaa, Rasuulkii Ilaahayow.
Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: waa dikriga Ilaahay, oo aad xustaan waqti kasta iyo qaab walba iyo xaalad kasta oo aad ku jirtaan.