+ -

عَنْ أَبِي الدَّرْدَاءِ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«أَلاَ أُنَبِّئُكُمْ بِخَيْرِ أَعْمَالِكُمْ، وَأَزْكَاهَا عِنْدَ مَلِيكِكُمْ، وَأَرْفَعِهَا فِي دَرَجَاتِكُمْ وَخَيْرٌ لَكُمْ مِنْ إِنْفَاقِ الذَّهَبِ وَالوَرِقِ، وَخَيْرٌ لَكُمْ مِنْ أَنْ تَلْقَوْا عَدُوَّكُمْ فَتَضْرِبُوا أَعْنَاقَهُمْ وَيَضْرِبُوا أَعْنَاقَكُمْ؟» قَالُوا: بَلَى. قَالَ: «ذِكْرُ اللهِ تَعَالَى».

[صحيح] - [رواه الترمذي وابن ماجه وأحمد] - [سنن الترمذي: 3377]
المزيــد ...

Abii Dar-daa-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri:
"Ma iidiin sheegaa acmaashiina kuwa ugu fadliga badan, uguna daahirnimada badan xaga Allaha Boqorkiina ah, uguna sare qaadid badan darajooyinkiina oo idiinka khayr badan inaad dahab iyo lacag bixisaan, oo idiinka khayrka badan inaad la kulantaan cadowgiina aadna qoorta ka garaacdaan iyaguna ay qoorta idinka garaacaan?", waxay dheheen: haa Rasuulkii Ilaahayow noo sheeg, wuxuu yiri: "waa dikriga Ilaahay ".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo Axmed] - [Sunan At-tirmidi - 3377]

Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu waydiiyey asxaabtiisa: M: 3575
Ma doonaysaan inaan idiin sheego oo idin baro acmaashiina kuwa ugu khayrka badan, uguna sharfta badan, uguna barako badan, oo ugu daahirnimada badan, uguna nadiifsan xaga Allaha Maaliga ah ee casa wajale ah. M: 3575
darajaadkiina janadana idiin kor yeelid badan?
Ee idiinka khayr badan inaad sadaqaysaan dahabka iyo Fidada?
Ee idiinka khayr badan inaad gaalada jihaad la gashaan oo aad qoorta ka garaacdaan, iyaguna qoorta idinka garaacaan?
Waxay dheheen asaxaabtu: haa, waan doonaynaa, Rasuulkii Ilaahayow.
Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: waa dikriga Ilaahay, oo aad xustaan waqti kasta iyo qaab walba iyo xaalad kasta oo aad kuj irtaan.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Ruwanda Luqadda roomaaniya Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Joogtaynta xuska Ilaahay kor iyo hoosba loo xuso waa acmaasha Ilaahay loogu dhawaado, uguna anfaca badan xaga Ilaahay.
  2. Dhamaan acmaasha waxaa loo jideeyey waa xusitaanka Ilaahay, Ilaahay sareeye wuxuu yiri: "salaada u oog xuskayga dartii". Nabiguna -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: waxaa loo jideeyey dawaafka Kacbada lagu dawaafo, iyo socodka safa iyo marwa, iyo tuurida dhagaxyada jamaraadka mina in la oogo dikriga Ilaahay. waxaa wariyey Abuu Daa'uud iyo Tirmidi.
  3. Alcis Binu Cabdisalaam wuxuu ku yiri Qaacidooyinkiisa: xadiiskani wuxuu ka mid yahay wax yaabaha ku tusaaya in ajarka aan lagu helib sida camalka loogu daalo, taasoo ah dhamaan cibaadaadka, waxaaba dhici kara in Ilaahay camal yar ku abaal mariyo ajar ka badan kan uu ku bixiyo acmaal badan, hadaba ajarku wuxuu u kala bataa waa siday acmaashu u kala sharaf badan yihiin.
  4. Almanaawi wuxuu ku sheegay kitaabka "Faydul qadiir": xadiiskaan waxaa lagu xambaarayaa in dikrigu yahay waxa u fadli badan dadka lagala hadlayo xadiiskaan, hadiise loo jeedin lahaa hadalka geesi soomajeeste ah oo Islaamka dagaal wax ugu tara waxaa lagu oran lahaa waa jihaad, ama mid hantile ah oo dadka saboolka ahi xoolihiisa ku intifaacayaan waxaa lagu oran lahaa waa sadaqada, ama mid awooda inuu soo xajiyo waxaa lagu oran lahaa waa xajka, ama mid labadiisa waalid nool yihiina waxaa lagu oran lahaa iyaga u baari noqo, sidaasaa lagu helaa iswaafajinta axaadiista.
  5. Dikriga ugu kaamilsan waa midka carabku ku hadlo qalbiguna macnihiisa ku tadaburo, waxaa ku xiga dikriga qalbiga kaliya laga xuso sida fakarida, waxaa kusii xiga dikriga carabka oo keliya laga xuso, dhamaana ajarbay leeyihiin in shaa Allah Tacaalaa.
  6. Muslimka joogteeya adkaarta ku saabsan axwaasha qofka sida adkaarta subaxa, galabta, galida masjidka, galida guriga, galida iyo ka soo bixida suuliga .... iyo qayrkoodba waxay ka dhigayaan qofka inuu ka mid noqda kuwa Ilaahay in badan xusa.