عن جابر بن عبد الله رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«كُلُّ مَعْرُوفٍ صَدَقَةٌ».

[صحيح] - [رواه البخاري من حديث جابر، ورواه مسلم من حديث حذيفة] - [صحيح البخاري: 6021]
المزيــد ...

Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Wax kastoo wanaag ahi waa Sadaqo."

[Xadiis Saxiix ah] - [waxaa wariyey bukhaari,waana xadiiska jaabir,muslimna waxuu kuwariyey xadiiska xudayfa] - [Saxiix AlBukhaari - 6021]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay wanaag kasta iyo wax tar kasta oo loo qabto dadka sida hadalka iyo adeega waa Sadaqo, ajar iyo xasanaad baa ku jira.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Sadaqadu kuma koobna waxay dadku maalkooda ka bixiyaan, balse waxaa soo gelaya khayrka dadku sameeyo ama ay dhahaan oo ay dadka gaarsiiyaan.
  2. Waxaa ku jira in dadka la jeclaysiiyo wanaaga bixintiisa, iyo wixii nafac ugu jiro dadka kale.
  3. Lama yaraysto shay wanaaga, haba yaraadee.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (67)