+ -

عن أنس بن مالك رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«مَنْ أَحَبَّ أَنْ يُبْسَطَ لَهُ فِي رِزْقِهِ، وَيُنْسَأَ لَهُ فِي أَثَرِهِ، فَلْيَصِلْ رَحِمَهُ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay scw uu yiri:
"Qofka jecel in loo waasiciyo irsaaqadiisa oo loo dheereeyo cumrigiisa, ha xiriiriyo qaraabadiisa."

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu ku booriyey in qaraabada lagu xiriiriyo booqasho, in loo karaameeyo jir ahaan, xoolo ahaan iyo wixii la mida, waxayna sabab u tahay irsaaqada oo la waasiciyo iyo cimriga oo la dheereeyo.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Raximku waa qaraabada ka soo jeeda xaga aabe iyo xaga hooyo, mar kasta oo uu noqdo qaraabo dhaw isagaa sii awlaysan in la xariiriyo.
  2. Abaal marintu waa nooca camalka, qofkii qaraabadiisa ku xiriiriya wanaag iyo ixsaan, Ilaahay wuxuu u xiriiriyaa cimrigiisa iyo irsaaqadiisa.
  3. Xiriirinta qaraabadu waxay sabab u tahay irsaaqada loo waasiciyo waxay kaloo sabab u tahay in cimriga loo dheereeyo inkastoo ajasha iyo risqiguba qoran yihiin, laakiin waxay noqon kartaa in loo barakeeyo risqiga iyo cimriga, oo uu qabto wax ka badan oo ka nafac badan dadka kale waxay qabtaan, waxaa kale oo lagu sheegay risqiga iyo cimriga si dhab ah in loogu siyaadiyo, Ilaahay ayaa og.