عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ، لَيُوشِكَنَّ أَنْ يَنْزِلَ فِيكُمْ ابْنُ مَرْيَمَ حَكَمًا مُقْسِطًا، فَيَكْسِرَ الصَّلِيبَ، وَيَقْتُلَ الخِنْزِيرَ، وَيَضَعَ الجِزْيَةَ، وَيَفِيضَ المَالُ حَتَّى لاَ يَقْبَلَهُ أَحَدٌ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 2222]
المزيــد ...
Abii hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri:
"Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo Macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo."
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 2222]
Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku dhaartay inay soo dhowaatay waqtigii uu Nibi Ciise soo degi lahaa, ee uu dadka cadaalad ku xukumi lahaa, isagoo raacaya shareecadii Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee. Oo Nabi Ciise uu jabindoono Matabka kiristaanku wayneeyaan. Nabi Ciise wuxuu dilidoonaa khinsiirka, Nabi Ciise wuxuu soo rogidoonaa Jisyada dadka oo dhana wuxuu ku amridoonaa inay Islaama soo galaan. Xooluhu waa badandoonaan Qofna qaadanayana ma jiro, waayo Xoolihii ayaa iska badanaya, Qof walbana wuxuu ku kaaftoomay wixii Gacantiisa ku jira, waxaa soo degeya Barkada waxaana is raacraacaya khayrka.