+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللهِ صلى الله عليه وسلم أنه قال:
«وَالَّذِي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ لَا يَسْمَعُ بِي أَحَدٌ مِنْ هَذِهِ الْأُمَّةِ يَهُودِيٌّ وَلَا نَصْرَانِيٌّ، ثُمَّ يَمُوتُ وَلَمْ يُؤْمِنْ بِالَّذِي أُرْسِلْتُ بِهِ إِلَّا كَانَ مِنْ أَصْحَابِ النَّارِ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 153]
المزيــد ...

Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- uu yiri:
"Allaha nafta Maxamed Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee Qofka i maqla ee Ummaddaan ka mid ah Yahuudi ama Nasraani-kuu doonaba ha ahaadee-, ee dhinta isagoon rumayn xaqa la ila soo diray wuxuu ahaan doonaa kuwa naarta gelaya".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 153]

Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku dhaartay Qofka maqla Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo dacwada Islaamku gaadho, yahuudi iyo kiristaan ama qayrkoodba ha ahaadee, ee dhinta isagoon Islaamin, inuu ahaanayo mid naarta gala oo ku waaraya waligiiba.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Risaalada Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee-waa Diin ay u siman yihiin dhamaan Aduunka waxa ku nool dhamaan, waajibna ay ku tahay in dadkoo dhami raacaan, oo ay waliba nasakhday dhamaan Sharciyadii iyada ka horeeyey dhamaan.
  2. Qofka ku gaalooba Nabiga-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- ma anfacayso sheegashadiisa ah inuu rumaysan yahay Nabiyada kale- naxariis iyo nabadgelyo Allaha siiyo dhamaan-.
  3. Qofka aan maqlin Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo aanay Diinta Islaamku gaarin waa loo cudur-daarayaa, arinkiisuna Aakhiro Ilaahay ayuu u yaallaa.
  4. Qofku Islaamka wuu ku intifaacayaa inta geerida ka horaysa, haduu xataa aad u jiran yahay ilaa ay Ruuxdu soo gaarto Dhuunta.
  5. Diinta Gaalada in sax lagu sheego iyadoo ay ku jiraan tan Yahuuda iyo tan Kiristaanku waa Gaalnimo.
  6. Yahuuda iyo Nasaaradaa lagu xusay Xadiiskaan waxay baraarujin u tahay Gaalada kale, waayo Yuhuuda iyo Nasaaradu waxay leeyihiin kitaabka, haduu xaalkoodu sidaa yahay, kuwa iyagu aan wax kitaaba lahayni wayba kasii daran yihiin, oo dhamaantood waxaa ku waajib ah, inay Ilaahay Diintiisa soo wada galaan, Nabigana-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wada adeecaan.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.