عَنْ الزُّبَيْرِ بْنِ الْعَوَّامِ قَالَ:
لَمَّا نَزَلَتْ: {ثُمَّ لَتُسْأَلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ النَّعِيمِ} [التكاثر: 8]، قَالَ الزُّبَيْرُ: يَا رَسُولَ اللهِ، وَأَيُّ النَّعِيمِ نُسْأَلُ عَنْهُ، وَإِنَّمَا هُمَا الْأَسْوَدَانِ التَّمْرُ وَالْمَاءُ؟ قَالَ: «أَمَا إِنَّهُ سَيَكُونُ».
[حسن] - [رواه الترمذي وابن ماجه] - [سنن الترمذي: 3356]
المزيــد ...
Subeyr Binu Cawaam Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Markay soo dagtay: {waan idin waydiindoonaa maalinta qiyaamaha nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay} [ suurada takaasur:8], wuxuu yiri Subeyr: Rasuulka Ilaahayow, nicmooyinkee nala waydiinayaa, ma labada madmadaw ee timirta iyo biyaha? wuxuu yiri: "sidaas ayey noqon".
[Xadiis Xasan ah] - [waxaa wariyey tirmidi iyo ibn maajah] - [Sunan At-tirmidi - 3356]
markay soo degtay aayada: {Waa la idin waydiin maalinta qiyaamaha nicmooyinkan}, waa la idin waydiin inaad la timaadeen mahadnaqa nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay, Subeyr Binu Alcawaam ayaa yiri -Allaha ka raali ahaade: Rasuulka Ilaahayow nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, nicmooyinkee ayaa nalawaydiin doonaa?! waxaanba haysanaa waa laba nicmoo su'aalba mudnayn in wax nalaga waydiiyee kuwaasoo ah timirta iyo biyaha!
Nabigu scw wuxuu yiri: adinka waa la idin waydiin doonaa nicmooyinka xataa xaaladan aad ku sugan tihiin iminka, waayo labadani waa labo nicmo oo waawayn oo nicmooyinka Ilaahay ka mid ah.