+ -

عَنْ أَنَسٍ رضي الله عنه قَالَ:
جَاءَ رَجُلٌ إِلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ، مَا تَرَكْتُ حَاجَّةً وَلَا دَاجَّةً إِلَّا قَدْ أَتَيْتُ، قَالَ: «أَلَيْسَ تَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ؟» ثَلَاثَ مَرَّاتٍ. قَالَ: نَعَمْ، قَالَ: «فَإِنَّ ذَلِكَ يَأْتِي عَلَى ذَلِكَ».

[صحيح] - [رواه أبو يعلى والطبراني والضياء المقدسي]
المزيــد ...

Anas allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yidhi:
Nin ayaa Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee u yimid wuxuuna yidhi: Rasuulka Alloow, kama aanan tegin dambi weyn iyo dambi yar oo waan wada sameeyey, wuxuu Nabiga ku yidhi : .miyaadan qireyn inuu Alle maahee Alle kale jirin Maxamadna rasuulka Alle yahay saddex jeer ayuu ku celiyey. wuxuu yidhi: haa, wuxuu yidhi: dambiyadaas shahaadateynka ayaa luugu dhaafay.

Xadiis Saxiix ah. -

Sharaxaad

Nin ayaa u yimid Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee waxuuna ku yidhi: Rasuulka Alloow, anigu dambi walba waan sameeyey, mid yar iyo mid weynba midna maanan dhaafine dambi dhaaf maleehay? Waxuu ku yidhi Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee miyaanad qirsaneyn inuu Alle maahee Ilaah kale jirin Maxamadna Rasuulka Alle yahay? wuxuu ugu cel-celiyey saddex jeer. Wuxuu ugu jawaabay: haa waan qirayaa. Wuxuu u sheegay Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee fadliga labada shahaado iyo in lagu dhaafo dambiyada, towbaduna masaxdo wixii ka horreeyey ee dambi ahaa.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Labado shahaado inay aad u wayn tahay kana culus tahay dunuubta qofkii si run ah uga yiraahda qabiga.
  2. Islaamku wuu baabi`yaa wixii danbi ah ee ka horeyey.
  3. Tawbada runta ahi waxay masaxdaa wixii ka horeeyey ee xumaan ah.
  4. Qofka wax barida in loogu cel-celiyo waa dhaqankii Nabiga lagu yaqaanay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.
  5. Fadliga labada shahaado, iyo inay sabab u noqonayaan in qofku kaga bad-baado ku waarida naarta.