+ -

عَنْ مُعَاذٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ، قَالَ:
كُنْتُ رِدْفَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَلَى حِمَارٍ يُقَالُ لَهُ عُفَيْرٌ، فَقَالَ: «يَا مُعَاذُ، هَلْ تَدْرِي حَقَّ اللَّهِ عَلَى عِبَادِهِ، وَمَا حَقُّ العِبَادِ عَلَى اللَّهِ؟»، قُلْتُ: اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ، قَالَ: «فَإِنَّ حَقَّ اللَّهِ عَلَى العِبَادِ أَنْ يَعْبُدُوهُ وَلا يُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا، وَحَقَّ العِبَادِ عَلَى اللَّهِ أَنْ لا يُعَذِّبَ مَنْ لا يُشْرِكُ بِهِ شَيْئًا»، فَقُلْتُ: يَا رَسُولَ اللَّهِ أَفَلاَ أُبَشِّرُ بِهِ النَّاسَ؟ قَالَ: «لا تُبَشِّرْهُمْ، فَيَتَّكِلُوا».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 2856]
المزيــد ...

Mucaad Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan la fuushanaa Dameer la dhihi jiray: Cufeyr, markaasuu yiri: Mucaadoow, ma og tahay xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomadiisa iyo xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin waxaan iri: Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa og, wuxuu yiri: xaqa Ilaahay Adoomada ku leeyahay waa inay caabudaan oo ayna cidna ugu Shariig yeelin, xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiina waa inuuna cadaabin Qofkii aan u shariig yeelin waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow ma ugu bishaareeyaa dadka wuxuu yiri: maya ha ugu bishaareyn, yey is dhigane

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 2856]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomada, iyo xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin, xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomada waa inay caabudaan kaligi oo aanay cidna la wadaajin cibaadadiisa. Xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin waa inuusan cadaabin kuwa Muwaxidiinta ah ee aan cibaadadiisa cidna la wadaajin Mucaad ka dib wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahayow, ma ugu bishaareeyaa dadka si ay ugu farxaan oo ay ugu bishaaraystaan fadligaas? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Mucaad wuu u diiday isago ka baqaya in dadku isku haleeyaan warkaas.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sug cadaynta xaqa Ilaahay kuwaajibiyey Adoomadiisa, kaaso ah inay caabudaan oo aanay cidna ugu shariig yeelin.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan cadaynta xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin, kaaso Ilaahay fadligiisa iyo nicmadiisa isugu waajibiyey, kaaso ah inuu Janada geliyo oo aanu cadaabin.
  3. Xadiiskaan waxaa ku jira bishaaro weyn oo ay leeyihiin Muwaxidiinta aan Ilaahay cibaadadiisa cidna la wadaajin, bishaaradaas oo ah inay Janada gelayaan.
  4. Mucaad wuxuu Xadiiskaan sheegay intuusan dhiman, isago ka cabsi qabey inuu ku dhoco danbiga qarinta Cilmiga.
  5. Xadiiska waxaa ku sugan baraarujin inaan dadka qaarki lagu dhex faafin Axaadiista qaarkeed, iyadoo laga baqayo in Qof macnahooda fahmi waayo, waana Axaadiista aanay ku sugnayn wax camal fal ah ama aysan ku sugnayn Xad Xuduuda Shareecada ka mida.
  6. Dadka Muwaxidiinta ah kuwooda caasiyada ah waxay hoos joogaan Ilaahay mashii`adiisa, haduu doono wuu cadaabin haduu doonana wuu u dambi dhaafin, ka dibna waxay ku danbaynayaan Janada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan اليونانية Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.