+ -

عَنْ زِيَادِ بْنِ لَبِيدٍ رضي الله عنه قَالَ:
ذَكَرَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ شَيْئًا، فَقَالَ: «ذَاكَ عِنْدَ أَوَانِ ذَهَابِ الْعِلْمِ» قُلْتُ: يَا رَسُولَ اللَّهِ، وَكَيْفَ يَذْهَبُ الْعِلْمُ، وَنَحْنُ نَقْرَأُ الْقُرْآنَ وَنُقْرِئُهُ أَبْنَاءَنَا وَيُقْرِئُهُ أَبْنَاؤُنَا أَبْنَاءَهُمْ إِلَى يَوْمِ الْقِيَامَةِ؟ قَالَ: «ثَكِلَتْكَ أُمُّكَ زِيَادُ، إِنْ كُنْتُ لَأُرَاكَ مِنْ أَفْقَهِ رَجُلٍ بِالْمَدِينَةِ، أَوَلَيْسَ هَذِهِ الْيَهُودُ وَالنَّصَارَى يَقْرَؤونَ التَّوْرَاةَ وَالْإِنْجِيلَ، لَا يَعْمَلُونَ بِشَيْءٍ مِمَّا فِيهِمَا؟!».

[صحيح لغيره] - [رواه ابن ماجه]
المزيــد ...

Siyaad Binu Labiid Allaha ka ralli ahaadewaxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabiga scw wax buu sheegay, markaasuu yiri: kaasi waa marka cilmigu sii tagayo, waxaan iri: Rasuulka Alloow, sidee buu cilmigu u tagayaa, anagoo akhriyeyna Qur'aanka ubadkayagana aan barayno, ubadkayaguna ubadkooda sii barayaan ilaa qiyaamaha?, wuxuu yiri-Rasuulku-:(hooyadaa ku wayday siyaad, waxaan kuu malaynaayey ninka ugu fiqiga badan Madiina, kuwani miyanay ahayn Yahuud iyo Nasaaro oo Tawraat iyo Injiil akhriyaya, haddana aanay ku camal falayn waxa ku qoran.

Xadiis Saxiix ah, marka la eego kuwa lamida. - Waxaa wariyay Ibnu Maajah.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu dhex fadhiyey asxaabtiisaa, wuxuuna yiri waqtigaasi waa waqtiga dadka laga siibayo cilmiga, Siyaad Binu Labiid Alansaari Allaha ka raali ahaade wuu la yaabay Nabiga scw wuuna waydiiyey, Wuxuuna yiri: sidee baa cilmiga loo waayin oo nooga lumin?! anagoo akhrinayna oo xifdinay, wallaahi waanu akhriyeynaa, waana baraynaa haweenkayaga iyo caruurtayada, iyo caruurta caruurtayada, Nabiga scw wuxuu yiri: isago la yaaban Siyaad hooyadaa ku waydey waxaan kuu haystay inaad ku jirto culimada reer Madiina! Ka dib Nabigu scw wuxuu u caddeeyey Siyaad in cilmiga waayidiisu uusan ahayn Qur'aanka oo la waayo, laakiin ay tahay ku camal falkiisa oo la waayo, Waa kuwaas Tawraat iyo Injiil oo ay haystaan Yahuud iyo Nasaaro, haddana wax kuma tarin kamana ay faa'iidaysan ujeedadii labadaa kitaab laga lahaa,! kaasoo ahaa inay ku camal falaan waxay barteen.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa jira kutub iyo Suxuf dadka gacantooda ku jira oo aan waxba tarayn hadaan lagu camal falayn.
  2. Sida cilmiga loo waayo waxaa ka mida arimo ay ka mid tahay: dhimashada Nabiga scw, dhimashada culimada, iyo cilmiga oo aan lagu camal falin.
  3. Calaamadaha qiyaamaha waxaa ka mida cilmiga oo la waayo iyo cilmiga oo laga tago ku camal falkiisa.
  4. Waxaa la isku booriyey in cilmiga lagu camal falo, ujeedaduba waa intaasee.