+ -

عَنْ ‌أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ:
كَانَ أَهْلُ الْكِتَابِ يَقْرَؤُونَ التَّوْرَاةَ بِالْعِبْرَانِيَّةِ، وَيُفَسِّرُونَهَا بِالْعَرَبِيَّةِ لِأَهْلِ الْإِسْلَامِ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَا تُصَدِّقُوا أَهْلَ الْكِتَابِ وَلَا تُكَذِّبُوهُمْ، وَقُولُوا: {آمَنَّا بِاللهِ وَمَا أُنْزِلَ إِلَيْنَا} [البقرة: 136] الْآيَةَ».

[صحيح] - [رواه البخاري]
المزيــد ...

Abuu Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri:
Ahlu kitaabku kitaabka Tawraat waxay ku akhrin jireen luuqada cibraaniyada, waxana ugu fasiri jireen muslimiinta luqada carabiga, Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: ( ha rumaynina Ahlu kitaabka hana beeninina, waxaadna tiraahdaan: ((waa rumayney Ilaahay iyo wixii naloo soo dejiyey} [ Al baqara:136] ayada)).

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Albukhaari.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu uga digay ummaddiisa inaysan ku kadsoomaan waxa Elhu kitaabku ka wariyaan kutubtooda, Yuhuuddu waqtigii Nabiga scw waxay ku akhrin jireen kitaabka Tawraat luqadda cibriga, oo ah luqada Yuhuuda waxayna ku fasiri jireen luuqada carabiga, Nabigu scw wuxuu yiri: ha rumaynina Ehlu kitaabka hana beeninina, waana waxa aan la kala garanayn runtooda iyo beentooda. Waayo Ilaahey wuxuu nafaray inaan Rumayno waxa uu noo soo dajiyey oo Qur'aanka ah, iyo kitaabka uu ku soo dajiyey Ehlu kitaabka, laakiin ma ogaan karno wixii saxda iyo wixii khalada ee ay kutubtooda ka sheegayaan, hadii ayna diinteenu kala cadyn runtooda iyo beentooda, Waanu ka joogsan, oo rumaynayno, si aynaan ula wadaagin wixii ay diintooda ka bedeleen, mana beeninayno, waxaa dhici karta waxay sheegayaan inay sax tahay, oo aynu beenino wax nala amray rumayntooda. Nabigu scw wuxuu nafaray inaan niraaho: {Waxaan rumaynay wixii Ilaahay noo soo dajiyey iyo wixii lagu soo dajiyey Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, Alasbaad iyo wixii la siiyey Muuse, Ciise iyo wixii Ambiyada Ilaahood siiyey, kala saarimayno nabiyada, anaguna Ilaahay baanu u hogaansan nahay} [Al baqara:136].

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Ahlu kitaabku waxay sheegaan waa saddex qaybood: qaybi waa wax waafaqsan Qur'aanka iyo sunada waana la rumayn, qaybina waa khilaafsan tahay Qur'aanka iyo sunada waana baadil la beeninayo, iyo qayb sadexaad oo Qur'aanka iyo sunada aysan sheegin rumtooda ama beentooda, kaas waa la warin lama rumaynayo lama beeninayo.