+ -

عَنْ عَمْرِو بْنُ سُلَيْمٍ الأَنْصَارِيُّ قَالَ: أَشْهَدُ عَلَى أَبِي سَعِيدٍ قَالَ: أَشْهَدُ عَلَى رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«الغُسْلُ يَوْمَ الجُمُعَةِ وَاجِبٌ عَلَى كُلِّ مُحْتَلِمٍ، وَأَنْ يَسْتَنَّ، وَأَنْ يَمَسَّ طِيبًا إِنْ وَجَدَ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Camar Binu Sulaym Alansaari -Allaha karaali ahaadee- wuxuu yiri: waxaan markhaati ka ahay Abii Saciid inuu yiri: waxaan markhaati ka ahay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri:
"Qabayska maalinta jumcaha waa ku waajib nin kastoo qaan gaar ah, waana inuu cadaydo cadarna marsado haduu helo".

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahatee- wuxuu cadeeyey in qubayska maalinta jumcada loo adkeeyey sida waajibka waxaana laga rabaa nin walba oo qaan gaar ah oo muslim ah oo ka mida kuwa jumcadu ku waajibtay. waana inuu ilkihiisa ku nadiifiyo caday iyo wax la mida. Waana inuu isku carfiyo wax kasta oo caraf udgoon leh.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa sune la adkeeyey qubayska maalinta jumcaha waxaana laga rabaa nin walba oo Muslim ah oo qaan gaar ah.
  2. Nadaafada iyo in la iska suuliyo shiirka xun sharci ahaan ayaa looga rabaa qofka Muslimka ah.
  3. Waa in la wayneeyo maalinta jumcada oo loo diyaargaroobo.
  4. Waa sune adag in loo cadaydo jumcada.
  5. Waa sune in la is ku carfiyo wax walba oo caraf udgoon leh intaan jumcada la aadin.
  6. Haweenaydu markay ka baxdo gurigeeda ee salaada ama dana kale u baxdo, uma banaana inay cadar marsato, waayo sunada ayey ku soo aroortay inay xaaraan tahay.
  7. qofka isku junuba waa qaan gaar, qaan gaarnimaduna waxay leedahay saddex calamadood oo raga iyo dumarku wadaagaan oo ah: mida 1aad: waa inuu gaaro qofku shan iyo toban sano, mida 2aad: waa inay ka soo baxaan timo adag farjiga hareerihiisa, mida 3aad: waa inay ka timaado manadu oo kaga timaado riyo ama dareen shahwadeed yaanu riyoonbee, mida 4aad: dumarkay u gaar tahay oo waa dhiiga caadada, markay dhiiga caadada isku aragto gabadhu way qaan gaartay.