عن أبِي هُرَيرةَ رضي الله عنه أنَّ رسول الله صلى الله عليه وسلمَ قال:
«إذا قُلْتَ لِصَاحِبِكَ: أَنْصِتْ، يومَ الجمعةِ، والْإِمامُ يَخْطُبُ، فَقَدْ لَغَوْتَ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 851]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri:
"Hadaad ku tiraado Saaxiibka: Aamus, Maalinta Jumcada, iyadoo Imaamku khudbaynaayo, Laqwi baad la timid".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 851]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay ka mid tahay aadaabta waajibka ku ah dadka Salaada Jumcada u yimid: inay dhagaystaan khadiibka dhagaystaan, si loogu tadaburo waanada iyo wacdiga, Qofka hadla wax yarba ha ahaatee isagoo Imaamkuna khudbaynaayo, ee ku dhaha cid kale: "Aamus ama dhagaysoS midkaasi wuxuu waayey fadligii salaadaJumcada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa xaaraan hadalku marka khudbada jumcadu socoto, xataa qofka wax xumaana ha u reebee ama salaan haka qaado mid kale ama mid handhisay ha u duceeyee.
  2. Arinkaa waxaa laga reebayaa qofka Imaamka la hadlayaa ama Imaamku la hadlaayo.
  3. Labada khudbadood inta u dhaxaysa waa la ogol yahay hadalka haday baahi keento.
  4. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee hadii la xuso Imaamkuna khudbada ku jiro hoos baad ugu salliyi Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee sidaasoo kale aamiinta ducadana hoosbaa loo dhihin.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (59)
dheeraad/kordhin