1. Bogga-hore
  2. Noocyada
  3. Fiqiga iyo usuushiisa

Xaddiis Salaadda qofku uu jamac ku tukado waxay dheer tahay Salaadda Qofku ku tukado gurigiisa , ama Suuqiisa dhowr iyo labaatan derejo

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«صَلَاةُ الرَّجُلِ فِي جَمَاعَةٍ تَزِيدُ عَلَى صَلَاتِهِ فِي بَيْتِهِ وَصَلَاتِهِ فِي سُوقِهِ بِضْعًا وَعِشْرِينَ دَرَجَةً، وَذَلِكَ أَنَّ أَحَدَهُمْ إِذَا تَوَضَّأَ فَأَحْسَنَ الْوُضُوءَ، ثُمَّ أَتَى الْمَسْجِدَ لَا يَنْهَزُهُ إِلَّا الصَّلَاةُ، لَا يُرِيدُ إِلَّا الصَّلَاةَ، فَلَمْ يَخْطُ خَطْوَةً إِلَّا رُفِعَ لَهُ بِهَا دَرَجَةٌ، وَحُطَّ عَنْهُ بِهَا خَطِيئَةٌ، حَتَّى يَدْخُلَ الْمَسْجِدَ، فَإِذَا دَخَلَ الْمَسْجِدَ كَانَ فِي الصَّلَاةِ مَا كَانَتِ الصَّلَاةُ هِيَ تَحْبِسُهُ، وَالْمَلَائِكَةُ يُصَلُّونَ عَلَى أَحَدِكُمْ مَا دَامَ فِي مَجْلِسِهِ الَّذِي صَلَّى فِيهِ، يَقُولُونَ: اللهُمَّ ارْحَمْهُ، اللهُمَّ اغْفِرْ لَهُ، اللهُمَّ تُبْ عَلَيْهِ، مَا لَمْ يُؤْذِ فِيهِ، مَا لَمْ يُحْدِثْ فِيهِ».

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri:
"Salaadda qofku uu jamac ku tukado waxay dheer tahay Salaadda Qofku ku tukado gurigiisa , ama Suuqiisa dhowr iyo labaatan derejo, taaso ah markii midkood uu weyso qaato weysadana wanaajiyo, ee uu Masaajidka yimaaddo, ee Salaadda maahee wax kale aanu u soo kicin, ee Salaadda keliya uu u soo baxay, talaabadii uu qaado darajo ayaa loo kor yeelaa, danbina waa laga tiraa, ilaa uu ka galo Masjidka, hadduu Masjidka soo galona wuxuu la mid yahay isagoo Salaadd ku jira maadaama ay Salaaddu celinayso, Malaa`igtuna way u ducayn Qofkiina ku sugan Meeshii uu ku tukadey, waxay oran: Ilaahow u naxariiso, Ilaahow u danbi dhaaf, Ilaahow ka tawbo aqbal, hadduusan Malaa`igta dhibin, oo aysan weysadu ka jabin.

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix Muslim - 649

Sharraxa

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in markuu qofka muslimku la tukado jamac salaadiisu ka fadli badan tahay salaada uu guriga ama suuqa ku tukado dhowr iyo labaatan jeer ama darejo. Ka dibna wuxuu sheegay sababta arintaa: waa marka uu wayso qaato qofku waysadiisana wanaajiyo ee uu masaajidka u dhaqaaqo, isaga oo salaada uun u jeedadiisu tahay, tallaabo kasta oo uu xagga masaajidka u qaado Illaahay inuu derejo ku siinaayo oo kor loogu qaadayo, lagaga tiraayana dambi, Marka uu masaajidka galo ee uu fadhiisto isaga oo salaad ku sugaaya, wuxuu helayaa oo u soconaya ajarka qof salaad kujira, malaa'igtuna way u ducaysaa inta uu fadhiyo goobta uu ku tukaday, iyadoo dhahaysa: "Allahayow u dambi dhaaf, Allahayow u naxariiso, Allahayow ka toobad aqbal" sidaabay ugu ducaynaysaa inta aanay waysadu ka jabin, ama aanu ku kicin wax dadka iyo malaa'igtuba dhibsanayaan.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Salaadda qofku ku tukado gurigiisa ama suuqa way ka ansaxaysaa, laakiin wuxuu ku dambaabayaa ka tagida uu ka tagay jamaca cudrdaar la`aan.
  2. Salaadda jamaca oo masaajid lagu tukado ayaa ka fadli badan salaadda qofku keligi ku tukado shan ama lix ama toddoba iyo labaatan darajo.
  3. Shaqooyinka ay malaa'igtu qabato waxaa ka mid ah ducada ay mu'uminiinta u ducaynayso.
  4. masaajidka oo wayso qab lagu tago ajar wayn bay leedahay.

Bandhigga Tarjamooyinka

57 Luuqadda
EN English الإنجليزية
UR اردو الأوردية
ES Español الإسبانية
ID Indonesia الإندونيسية
UG ئۇيغۇرچە الأيغورية
BN বাংলা البنغالية
TR Türkçe التركية
RU Русский الروسية
BS Bosanski البوسنية
SI සිංහල السنهالية
HI हिन्दी الهندية
ZH 中文 الصينية
FA فارسی الفارسية
VI Tiếng Việt الفيتنامية
TL Tagalog تجالوج
KU Kurdî الكردية
HA Hausa الهوسا
PT Português البرتغالية
ML മലയാളം المليالم
TE తెలుగు التلغو
SW Kiswahili السواحيلية
MY မြန်မာ البورمية
TH ไทย التايلندية
DE Deutsch الألمانية
PS پښتو بشتو
AS অসমীয়া الأسامية
SQ Shqip الألبانية
SV Svenska السويدية
AM አማርኛ الأمهرية
NL Nederlands الهولندية
GU ગુજરાતી الغوجاراتية
KY Кыргызча القيرقيزية
NE नेपाली النيبالية
YO Yorùbá اليوروبا
LT Lietuvių الليتوانية
PRS دری الدرية
SR Српски الصربية
TG тоҷикӣ الطاجيكية
RW Kinyarwanda الكينياروندا
RO Română الرومانية
HU Magyar المجرية
CS Čeština التشيكية
MOS Moore الموري
MG Malagasy المالاجاشية
IT Italiano الإيطالية
OM Oromoo الأورومو
KN ಕನ್ನಡ الكانادا
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan الأذربيجانية
UZ O‘zbek الأوزبكية
UK Українська الأوكرانية
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية