عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«صَلَاةُ الرَّجُلِ فِي جَمَاعَةٍ تَزِيدُ عَلَى صَلَاتِهِ فِي بَيْتِهِ وَصَلَاتِهِ فِي سُوقِهِ بِضْعًا وَعِشْرِينَ دَرَجَةً، وَذَلِكَ أَنَّ أَحَدَهُمْ إِذَا تَوَضَّأَ فَأَحْسَنَ الْوُضُوءَ، ثُمَّ أَتَى الْمَسْجِدَ لَا يَنْهَزُهُ إِلَّا الصَّلَاةُ، لَا يُرِيدُ إِلَّا الصَّلَاةَ، فَلَمْ يَخْطُ خَطْوَةً إِلَّا رُفِعَ لَهُ بِهَا دَرَجَةٌ، وَحُطَّ عَنْهُ بِهَا خَطِيئَةٌ، حَتَّى يَدْخُلَ الْمَسْجِدَ، فَإِذَا دَخَلَ الْمَسْجِدَ كَانَ فِي الصَّلَاةِ مَا كَانَتِ الصَّلَاةُ هِيَ تَحْبِسُهُ، وَالْمَلَائِكَةُ يُصَلُّونَ عَلَى أَحَدِكُمْ مَا دَامَ فِي مَجْلِسِهِ الَّذِي صَلَّى فِيهِ، يَقُولُونَ: اللهُمَّ ارْحَمْهُ، اللهُمَّ اغْفِرْ لَهُ، اللهُمَّ تُبْ عَلَيْهِ، مَا لَمْ يُؤْذِ فِيهِ، مَا لَمْ يُحْدِثْ فِيهِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 649]
المزيــد ...

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri:
"Salaadda qofku uu jamac ku tukado waxay dheer tahay Salaadda Qofku ku tukado gurigiisa , ama Suuqiisa dhowr iyo labaatan derejo, taaso ah markii midkood uu weyso qaato weysadana wanaajiyo, ee uu Masaajidka yimaaddo, ee Salaadda maahee wax kale aanu u soo kicin, ee Salaadda keliya uu u soo baxay, talaabadii uu qaado darajo ayaa loo kor yeelaa, danbina waa laga tiraa, ilaa uu ka galo Masjidka, hadduu Masjidka soo galona wuxuu la mid yahay isagoo Salaadd ku jira maadaama ay Salaaddu celinayso, Malaa`igtuna way u ducayn Qofkiina ku sugan Meeshii uu ku tukadey, waxay oran: Ilaahow u naxariiso, Ilaahow u danbi dhaaf, Ilaahow ka tawbo aqbal, hadduusan Malaa`igta dhibin, oo aysan weysadu ka jabin.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 649]

Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in markuu qofka muslimku la tukado jamac salaadiisu ka fadli badan tahay salaada uu guriga ama suuqa ku tukado dhowr iyo labaatan jeer ama darejo. Ka dibna wuxuu sheegay sababta arintaa: waa marka uu wayso qaato qofku waysadiisana wanaajiyo ee uu masaajidka u dhaqaaqo, isaga oo salaada uun u jeedadiisu tahay, tallaabo kasta oo uu xagga masaajidka u qaado Illaahay inuu derejo ku siinaayo oo kor loogu qaadayo, lagaga tiraayana dambi, Marka uu masaajidka galo ee uu fadhiisto isaga oo salaad ku sugaaya, wuxuu helayaa oo u soconaya ajarka qof salaad kujira, malaa'igtuna way u ducaysaa inta uu fadhiyo goobta uu ku tukaday, iyadoo dhahaysa: "Allahayow u dambi dhaaf, Allahayow u naxariiso, Allahayow ka toobad aqbal" sidaabay ugu ducaynaysaa inta aanay waysadu ka jabin, ama aanu ku kicin wax dadka iyo malaa'igtuba dhibsanayaan.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Salaadda qofku ku tukado gurigiisa ama suuqa way ka ansaxaysaa, laakiin wuxuu ku dambaabayaa ka tagida uu ka tagay jamaca cudrdaar la`aan.
  2. Salaadda jamaca oo masaajid lagu tukado ayaa ka fadli badan salaadda qofku keligi ku tukado shan ama lix ama toddoba iyo labaatan darajo.
  3. Shaqooyinka ay malaa'igtu qabato waxaa ka mid ah ducada ay mu'uminiinta u ducaynayso.
  4. masaajidka oo wayso qab lagu tago ajar wayn bay leedahay.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (56)