+ -

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الخُدْرِيِّ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«إِذَا سَمِعْتُمُ النِّدَاءَ، فَقُولُوا مِثْلَ مَا يَقُولُ المُؤَذِّنُ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay inuu yiri:
"Hadii aad maqashaan aadaanka, dhaha waxa mu'adinku dhahayo".

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu wuxuu naxariis iyo nabadi korki ha ahaate ku boorinayaa Ummadda, inay ajiibaan mu'addinka markay aadaanka maqlaan, waana inaan ka daba dhahno wuxuu leeyahay, ereyba erey. markuu takbiirsado waan ka daba takbiirsanaynaa, markuu labada ashahaado dhahayo, waan ka daba dhahaynaa. Waxaa laga soo reebay ereyada (xaya cala salaat, xaya calal-falaax) oo macnohoodu yahay: u kaalaya salaadda, u kaalaya kheyrka, labadaa waxaa la dhahayaa: laa xawla walaa quwata illaa billaah.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Mu'addinka labaadna wuu ka daba dhahayaa markuu kan hore dhameeyo, xataa haday bataan mu'adiniintu, waayo xadiisku waa caam yeelayaa.
  2. mu'addinka wuu ka daba dhahayaa xaaladihiisa oo dhan, haduuna suuli ku jirin, ama uusan xaajo gudanayn.