عَنْ المُغِيرَةِ رضي الله عنه قَالَ:
كُنْتُ مَعَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِي سَفَرٍ، فَأَهْوَيْتُ لِأَنْزِعَ خُفَّيْهِ، فَقَالَ: «دَعْهُمَا، فَإِنِّي أَدْخَلْتُهُمَا طَاهِرَتَيْنِ» فَمَسَحَ عَلَيْهِمَا.
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 206]
المزيــد ...
Muqiirah-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan safar la galay, waxaan u foorarsaday si aan uga siibo labada khuf, wuxuu igu yiri: " iska daa, anoo weyso qaba ayaan geliyaye", uuna masaxay.
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 206]
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo safaradiisii mid ka mida ku jira ayuu weyso qaatay. markuu soo gaaray labada Lugood, ayuu Muqiira Binu Shucba laacay si uu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uga saaro khufkii cagaha ugu jiray, si uu Nabigu u dhaqo Lugaha! wuxuu yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: iska daa ha bixine , waxaaan gashaday labada Khuf anoo dahaara qabee, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu masaxay labadii Khuf mana dhaqin Lugihiisa.