+ -

عَنْ سَعْدِ بْنِ أَبِي وَقَّاصٍ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّهُ قَالَ:
«مَنْ قَالَ حِينَ يَسْمَعُ الْمُؤَذِّنَ أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، رَضِيتُ بِاللهِ رَبًّا وَبِمُحَمَّدٍ رَسُولًا، وَبِالْإِسْلَامِ دِينًا، غُفِرَ لَهُ ذَنْبُهُ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Sacad Binu Abii Waqaas -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri:
{Qofka dhaha markuu maqlo mu'adinka: Waxaan qirayaa inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee oo uu kali yahay oo cid wax la wadaagta aysan jirin, Maxamedna uu yahay adoonkiisii iyo Rasuulkiisii, waxaan raali ka ahayn inaan Ilaahay Rabi ka dhigto oo Maxamed aan ka dhigto Rasuul oo aan Islaamkana ka dhigto diin, danbigiisa waa la dhaafaa}

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay in qofka dhaha marka uu maqlo mu'adinka: ( waxaan qirayaa inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee oo uu kaligi yahay oo aan cidna wax la wadaagin) yacni: waxaan qirayaa oo ictiraafayaa oo sheegayaa in uusan jirin macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, Ilaah walba oo aan Ilaahayna waa baadil. (Maxamedna uu yahay Adoonkii iyo Rasuulkii Ilaahay) yacni: inuu yahay Adoon aan la caabudin iyo Rasuul aan been sheegin. " Raali ayaan ka ahay inaan Ilaahay Rabi ka dhigto'' yacni: Raali ayaan ka ahay Ilaahay Rabi nimadiisa, Ilaahnimadiisa, magacdiisa iyo sifooyinkiisa, ( Maxamedna aan ka dhigto Rasuul) yacni: waxaan rumaynayaa dhamaan wixii lala soo diray iyo inuu na soo gaarsiiyey, ( iyo Islaamka) yacni: waxaan rumaynayaa dhamaan axkaamta Islaamka oo ay ka mid tahay wixii la is faray iyo wixii la iska reebay. (Diinan) yacni: waan rumaynayaa waana u hogaansamayaa. ( Waa loo dhaafaa danbiigsa) yacni: waxaa laga dhaafayaa dambiyadiisa yar-yar.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Ku cel-celinta ducadan marka aadaanka la maqlayo waxay ka mid tahay waxyaabaha dambiyada lagu dhaafo.