عن عثمان بن عفان رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ تَوَضَّأَ فَأَحْسَنَ الْوُضُوءَ خَرَجَتْ خَطَايَاهُ مِنْ جَسَدِهِ حَتَّى تَخْرُجَ مِنْ تَحْتِ أَظْفَارِهِ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 245]
المزيــد ...
Cusmaan Binu Cafaan Allah ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Qofka wayso qaata ee hagaajiya waysada, dambiyadiisu way ka baxayaan jirkiisa ilaa ay cidiyihiisa hoostooda ka baxaan".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 245]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka wayso qaata isagoo ilaalinaaya Sunadii iyo aadaabtii weysada arinkaasi wuxuu sabab u noqonayaa in loo Dambi dhaafo, ilaa uu dambigu ka baxayo cidiyaha Gacmihiisa iyo Lugihiisa.