+ -

عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«إِذَا قَالَ الْمُؤَذِّنُ: اللهُ أَكْبَرُ اللهُ أَكْبَرُ، فَقَالَ أَحَدُكُمُ: اللهُ أَكْبَرُ اللهُ أَكْبَرُ، ثُمَّ قَالَ: أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، قَالَ: أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، ثُمَّ قَالَ: أَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ، قَالَ: أَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ، ثُمَّ قَالَ: حَيَّ عَلَى الصَّلَاةِ، قَالَ: لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللهِ، ثُمَّ قَالَ: حَيَّ عَلَى الْفَلَاحِ، قَالَ: لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللهِ، ثُمَّ قَالَ: اللهُ أَكْبَرُ اللهُ أَكْبَرُ، قَالَ: اللهُ أَكْبَرُ اللهُ أَكْبَرُ، ثُمَّ قَالَ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، قَالَ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ مِنْ قَلْبِهِ دَخَلَ الْجَنَّةَ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 385]
المزيــد ...

Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri Rasuuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Markuu dhoho Mu'addinku: Allaahu akbar Allaahu akbar, ee midkiin dhoho: Allaahu akbar Allaahu akbar, haddana dhoho: Ashhadu Allaa Ilaaha Ilaa Allaah, uu ka daba dhoho: Ashhadu Allaa Ilaaha ilaa Allaah, haddana dhaho: Ashhadu Ana Maxamedan Rasuul Allaah, ee ka daba dhoho: Ashhadu ana Maxamedan Rasuul Allaah, haddana dhoho: xaya cala Salaah, isna dhoho: laa xawla walaa Quwata illaa Billaah, hadana dhoho: xaya calal falaax, isna dhoho: laa xawla walaa Quwata ilaa Billaah, haddana dhoho: Allaahu akbar Allaahu akbar, isna ka daba dhoho: Allaahu akbar Allaahu akbar, haddana dhoho: laa Ilaaha ilaa Allaah, isna ka daba dhoho: laa Ilaaha Ilaa Allaah isago ay qalbiga ka tahay Janaduu gelayaa".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 385]

Sharraxaad

Aadaanku waa ogaysiin dadka la ogeysiinayo soo gelida waqtiga Salaada, erayada Aadaanku waa erayo caqiidada rumaynta Ilaahay ku dhan yahay.
Xadiiskan Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu ku cadeyey inay Sharci tahay Qofku markuu Aadaanka maqlo, in Qofka maqlaya uu yiraahdo sida Mu`adinku leeyahay oo kale, oo hadii Mu`adinku yiraahdo: "Allaahu akbar'' Qofka maqlaya wuxuu oran: '' Allaahu akbar '', sidaasuu u wadayaa, markuu soo gaaro Mu'adinku '' xaya cala Salaat '', xaya calal-falaax '', wuxuu oran Qofka maqlayaa Aadaanka: '' laa xawla walaa quwata ilaa Bilaah ''.
Wuxuu kaloo cadeeyey Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee in qofka ka daba dhaha Mu'adinka erayada Aadaanka isago ay qalbi iyo daacad ka tahay inuu Janada gelayo.
Macnaha Erayada Aadaanku waa: '' Allaahu akbar '': Ilaahay baa wax walba ka weyn oo ka mudan.
'' Ashhadu alaa Ilaa Ilaaha Ilaa Allaah '':Iilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn ma jiro.
''Ashhadu ana Maxamedan Rasuulu Allaah ": waxaan markhaati ka ahay oo ka qirayaa carabkayga iyo qalbigayga inuu Maxamed yahay Rasuul Ilaahay casa wajala soo diray, in la adeecona ay waajib tahay.
''Xaya cala Salaat'', u kaalaya Salaada, hadalka Qofka maqlaya Aadaanka ee: ''laa xawla walaa quwata ilaa billaah'' waa: ma jirto xeelad gaara oo aanu kaga bixi karno wixii daacada naga hor joogsada, xoog iyo awoodna uma lihin aan shay ku samayno Ilaahay inuu nawaafajiyo mooyee.
''Xaya calal-falaax'', u kaalaya asbaabta liibaanta, taasoo ah in lagu guulaysto Janada lagana bad-baadada Naarta.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. fadli ayuu leeyahay in laga daba dhoho Mu'adinka erayada uu oranayo marka laga reebo ''xaya cala Salaat iyo xaya calal-falaax'', taasoo uu oranayo ''laa xawla walaa Quwata ilaa Billaah''.
Tarjumada: Engriisi Urduu Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.