عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما قَالَ:
مَرَّ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِقَبْرَيْنِ، فَقَالَ: «إِنَّهُمَا لَيُعَذَّبَانِ، وَمَا يُعَذَّبَانِ فِي كَبِيرٍ، أَمَّا أَحَدُهُمَا فَكَانَ لاَ يَسْتَتِرُ مِنَ البَوْلِ، وَأَمَّا الآخَرُ فَكَانَ يَمْشِي بِالنَّمِيمَةِ» ثُمَّ أَخَذَ جَرِيدَةً رَطْبَةً، فَشَقَّهَا نِصْفَيْنِ، فَغَرَزَ فِي كُلِّ قَبْرٍ وَاحِدَةً، قَالُوا: يَا رَسُولَ اللَّهِ، لِمَ فَعَلْتَ هَذَا؟ قَالَ: «لَعَلَّهُ يُخَفِّفُ عَنْهُمَا مَا لَمْ يَيْبَسَا».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 218]
المزيــد ...
Ibnu Cabaas-Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa soo maray laba qabri, wuxuuna yiri: "labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray" wuxuuna soo qaatay laan Timireed qoyan wuuna u kala dilaaciyey labo qaybood, qabri walbana qaybuu ku talaalay, waxay dheheen-Asaxaabtii-: Rasuulka Ilaahayow maxaad sidaa u samaysaa? wuxuu yiri: "waxaa laga yaaba inay ka khafiifiyaan intaysan qalalin.
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 218]
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa soo maray laba qabri wuxuuna yiri: Labada Qof ee qabriyadan ku jira waa la cadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo aragtidiina, wax weyn bayna ka tahay xaga Ilaahay. Midkood wuxuu ahaa midaan danaynayn inuu ka ilaaliyo jirkiisa iyo dharkiisa Kaadida markuu xaajo gudanaayo. Kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray, isagoo ay ka tahay iska horkeenid, dhibaatayn iyo inay isku dhacaan dadku.