+ -

وَإِنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ خَرَجَ عَلَى حَلْقَةٍ مِنْ أَصْحَابِهِ، فَقَالَ: «مَا أَجْلَسَكُمْ؟» قَالُوا: جَلَسْنَا نَذْكُرُ اللهَ وَنَحْمَدُهُ عَلَى مَا هَدَانَا لِلْإِسْلَامِ، وَمَنَّ بِهِ عَلَيْنَا، قَالَ: «آللَّهِ مَا أَجْلَسَكُمْ إِلَّا ذَاكَ؟» قَالُوا: وَاللهِ مَا أَجْلَسَنَا إِلَّا ذَاكَ، قَالَ: @«أَمَا إِنِّي لَمْ أَسْتَحْلِفْكُمْ تُهْمَةً لَكُمْ، وَلَكِنَّهُ أَتَانِي جِبْرِيلُ فَأَخْبَرَنِي أَنَّ اللهَ عَزَّ وَجَلَّ يُبَاهِي بِكُمُ الْمَلَائِكَةَ».
[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Abii Saciid Alkhudri -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu dhahay: Mucaawiye ayaa ku soo baxay koox dad ah oo fadhiya masjidka, wuxuu yiri: maxaa idin fariisiyey? waxay dheheen: waxaan u fariisanay inaan Ilaahay xusno, wuxuu yiri: Ilaahay baan idinku dhaariyey wax kale uma aydaan fariisan miyaa? waxay dheheen: walaahi uma anaan fariisan kaas maahane, wuxuu yiri: haddaba anigu idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabo, qofna xaga Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ma jiro qof darajada aan rasuulka ka joogo oo kale ka jooga oo iga xafiis yar:
Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa ku soo baxay xalaqo oo asaxaabtiisu fadhiyeen, wuxuuna ku yiri: "maxaa idin fariisiyey? waxay dheheen: Ilaahay ayaan xusaynaa, una mahad naqaynaa Islaamka uu nagu hanuniyey darteed, oo uu nagu galadaystay Islaamka, wuxuu ku yiri: "ma idinku walaahi baa inaydaan wax kale u fariisan?" waxay dheheen: walaahi waxaan kaas ahayn uma aanaan fariisan, wuxuu yiri: "idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabee, laakiin waxaa ii yimid malakul Jibriil, wuxuuna ii sheegay, in Ilaahay- isagaa wayne- idiinku faanayo malaa'igtiisa."

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Mucaawiye Binu Abii Sufyaan -Allaha ka raali ahaadee- ayaa kusoo baxay xalaqo masaajidka dad u fadhiyey, wuxuuna weydiiyey sababta ay isugu yimaadeen, waxay ku dheheen: Ilaahay baan xusaynaa, markaasuu dhaariyey inaysan wax kale u fadhin oo u kulmin xuska Ilaahay maahee, wayna u dhaarteen, Hadana wuxuu ku yiri: anigu idiin maan dhaarin shaki aan idinka qabo adinka iyo run sheegiina, wuxuuna u sheegay darajada uu ka joogo Nabiga scw, iyo inuusan jirin qof nabiga scw uga dhawaa , waayo umu xabiiba oo walaashi ah ayaa xaaskii Nabiga scw ahayd, isaguna wuxuu ka mid ahaa kuwa qora waxyiga, sidaas oo ay tahay hadana way yar tahay axaaddiista uu wariyey, Wuxuu u sheegay iyaga in Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu maalin ka soo baxay gurigiisa, wuxuu arkay asaxaabta oo masjidka fadhiya oo Ilaahay xusaya kuna mahadinaya inuu ku hanuuniyey Islaamka, kuna galadaystay Islaamka, Nabigu scw wuu waydiiyey waana dhaariyey, sida uu ku sameeyey Mucaawiye Allaha ka raali noqdee asxaabta oo kale. haddana waxuu ku dhahay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiiye- isagoo u sheegeya sababta uu su'aasha iyo dhaarta u weydiiyey: inuu malakul Jibriil u yimid, oo u waramay inuu Illaahey ku faanayo iyaga iyo camalkoogaba, oo malaa'igta ugu faanayo wanaaga addoomadiisa, iyo fadliga ay leeyihiin.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda sawaaxiliga Luqadda taylandiga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xaddiiska waxaan ka fahmaynaa fadliga saxaabiga Mucaawiye-Allaha ka raali ahaadee- iyo ku dayashadiisa uu ku dayanayo Rasuulka Alle-naxariis iyo nabadi korkiiye- xaga fidinta dacwada Alle.
  2. Wey banaan tahay in qofka la dhaariyo isaga oon la tuhun saneyn, muhimada uu leeyahay warka loosheegi dartii.
  3. fadli weyn baa ku jira majaalista Alle lagu xusayo iyo kuwa cilmiga lagu baranayo, Illaaheyna wuu jecel yahay, malaa'igtiisana wuu ugu faanaa.