عن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«مَنْ حَمَلَ عَلَيْنَا السِّلَاحَ فَلَيْسَ مِنَّا».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 7071]
المزيــد ...
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey, in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Qofka Hub noo qaata nagama mid maaha".
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 7071]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in Muslimiinta Hub loo qaato, si loo bajiyo ama loo boobo, Qofka xaq daro sidaa u sameeya wuxuu ku kacay dambi weyn iyo danbi ka mida Kabaa`irta waaweyn, wuxuuna mudan yahay goodigaas adag.