+ -

«لاَ تَلْبَسُوا الحَرِيرَ وَلاَ الدِّيبَاجَ، وَلاَ تَشْرَبُوا فِي آنِيَةِ الذَّهَبِ وَالفِضَّةِ، وَلاَ تَأْكُلُوا فِي صِحَافِهَا، فَإِنَّهَا لَهُمْ فِي الدُّنْيَا وَلَنَا فِي الآخِرَةِ».
[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Cabduraxmaan Binu Abii Laylaa waxaa laga wariyey inay la joogeen Xudayfa oo codsaday in la waraabiyo markaasaa waxaa waraabiyey nin majuusi ah, markuu galaaskii qabtay ayuu ku tuuray isagii, wuxuuna yiri: hadii aan la ii diidi lahan mar iyo labo maahee, waaba isaga oo aad moodid inuu leeyahay: sidaa ma sameeyeen, laakiin Nabigaan ka maqlay isagoo dhahaya:
"Ha xiranina xariirta iyo diibaajka, hana ku cabina weelasha dahabka iyo fidada ka samaysan, hana ku cunina wax xeerooyinka labadaa ka samaysan, waayo gaaladaa aduunka wax ku cuna inaguna aakhiraan leenahay."

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu u diiday raga inay xirtaan dharka xariirta ah dhaaman noocyadiisa kala duwan. Raga iyo dumarkabana wuxuu ka reebay inay ku cunaan ama ku cabaan weelasha ka samaysan dahabka iyo fidada. Nabigu scw wuxuu u sheegay inay mu'uminiitu gaar u yeelan doomaan maalinta qiyaamaha, waayo aduunka ayey uga tageen iyagoo Ilaahay ku adeecaya. Gaaladuse alaabtaa mahelayaan aakhiro, waayo noloshoodii aduunka ayey ku soo hor marsadeen wanaagoodii wayna soo isticmaaleen alaabtaas, Ilaahayna way ku caasiyeen.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda sawaaxiliga Luqadda taylandiga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Raga waa ka xaaraan inay ku labistaan xariirta iyo diibaajka, goodi adag ayaa ugu soo arooray qofkii labista.
  2. Haweenka waa u banaan tahay inay ku labistaan xariirta iyo diibaajka.
  3. Waa xaaraan in wax lagu cuno oo wax lagu cabo weelasha dahabka iyo fidada weelasha labadaas laga sameeyey rag iyo dubmarba waa ka xaaraan.
  4. Xudayfa aad ayuu u adkeeyey diidmada isticmaalka weelashaa kor ku xusan, wuxuuna ku sababeeyey in ninkaan mar wax ka badan uu ka reebay isticmaalka weelasha dahabka iyo fidada, laakiin uusan ka joogsan.